Madaxweyne Trump Oo Sheegay In Madaxweynaha Faransiisku Jecel Yahay In Uu Gacantiisa Qabsado

0
629

Washington (Geeska)- Madaxweyna dalka Maraykanka ayaa mar kale khamiistii toddobaadkii ina dhaafay ku celiyey hadalladiisii la xidhiidhay booqashadii u dambaysay ee uu Faransiiska ku tegey, isaga oo aad carrabka ugu adkeeyey in madaxweynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron uu jecel yahay in uu gacantiisa qabsado

Madaxweyne Trumo oo waraysi siiyey wargeyska New York Times ayaa sheegay in Macron uu yahay qof fiican, awood leh oo aad u maskax badan, laakiin waxaa yaab lahayd ereyada uu hadalkan madaxweyne Trump ku sii daray oo ahaa, “Waxa uu jecel yahay in uu gacanta I qabsado. Dadku ma dareensana illaa xadka uu jecel yahay in uu gacantayda qabsado. Waana arrin fiican” Donald Trump waxa uu sheegay in Macron uu qof fiican yahay laakiin uu haddana yahay nin aad u madax adag, in kasta oo uu hadalkiisa ku sii daray in Macron uu ku qasban yahay madax adaygaas, “Waxa aan aaminsanahay in uu madaxweyne fiican u noqon doono Faransiiska, laakiin waxa uu jecel yahay in uu gacantayda qabsado” ayaa uu mar kale ku celiyey madaxweyne Trump.

Hadalladan uu madaxweyne Trump jeediyey ayaa warbaahinta xasuusiyey in ay soo saaraan sawirro tiro badan oo marar kala duwan iyo kulamo kala duwan laga qaaday labada madaxweyne ee Maraykanka iyo Faransiiska, waxa aana aad u muuqda in madaxweyne Macron uu mar kasta gacanta qabsanayo madaxweyne Donald Trump. Lama oga sababta madaxweyne Trump ku kalliftay in uu si gaar ah ugu celceliyo in madaxweyne Macron uu jecel yahay in uu gacanta qabsado, waxa se loo malayn karaa in uu doonayo in uu dadka u sheego in Faransiisku daciif yahay oo sidaa madaxweynahoodu gacanta u haystaa muujinayso in uu u baahan yahay Maraykanka. si kastaba ha ahaato ee kulan hore labada madaxweyne ugu dhex maray magaalada Brussels ee dalka Beljam ayaa ay warbaahintu faallaysay gacanqaadkii labada madaxweyne oo laga dareemayey in waxoogaa uu Macron gacanta si u itaal sheegasho u eeg ugu xoojiyey Trump. Mar dambe oo arrintaas la weydiiyeyna waxa uu Macron ku jawaabay in ay ahady qaab uu madaxweyne Trumo ugu sheegayey farriin ah in uu yahay, “Nin hal-adayg leh, oo tanaasul aan ogolayn. Xitaa haddii ay tahay mid iska astaan iyo faraguudkoodka, isla markaana aanu ogolayn in arrimo si sahal ah lagu dhaafiyo” waxaa suurtogal ah in sababta uu hadda madaxweyne Trump uga hadlay arrintani ay daba socoto arrintaas hore oo uu doonay in uu isagu macno u sameeyo gacan qabsashadan si uu uga dheereeyo in Macron uu u sameeyo macno aanu Trump ka raalli noqon.