Salaadiin Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ceel-afweyn

0
599

Hargeysa (Geeska)-Salaadiin, Madax-dhaqameed iyo Xildhibaano ayaa ka hadlay dagaalka sababay dhimashada iyo dhaawaca ee dhexmaray labada beelood ee walaalaha ah ee wada dega Deegaanka Dararweyne ee Degmada Ceel-afweyn, waxayna sheegeen in Ciidanka Qaranka, waajibkiisi ka gutay, oo uu kala dhex galay labada Beelood, balse Xukuumadda doorkii looga baahna inay ka qaadato, inay ka gaabisay, oo masuuliyad daradeedu sabab u tahay dagaalkan soo noqday.

Suldaan Saleebaan Cawil Dirir, Caaqil Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Guddoomiye ku xigeenka Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Cabdiqaadir Askar Xasan iyo Xildhibaan Jamaal Xuseen Cawad oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Ceel-afweyne, oo baaqan nabadeed ka hadlaya ayaa ugu horeyn Suldaan Saleebaan Cawil Dirir, wuxuu yidhi “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan dadkii shaqaaqada ku dhintay, waxaan leeyahay dadkii ay ka baxeen samar iyo imaan, wey inaga wada baxeen, kuwa dhaawacana ILLAAHAY ha caafiyo ayaan leeyahay, dawladdu muddo bil ah ayey u qabatay, bishii oo kala badh ah oo xoolaha intii badnayd aanu gacanta ku hayno, oo labadaydii qolaba ururinayaan oo ay hayaan, oo u baahan in la kala qaato, ayaa waxa dhacay shaqaaqada u dambaysay ee aad maqasheen, runtii eedda ugu horeysa Dawladda ayaan saaraya, waxaan sidaas u leeyahay, iyada ayaa arinta gacanta ku haysay, oo dhulka dawlad ka ah, ciidanba joogay, goob kasta oo lagu dagaalamay ciidan baa joogay, cid gaar ah ayaa weerarka geysanaysay, wey og yihiin may qaban, xukunkii ay halkaas ka rideen waxa ka fulay Magaaladii la dumiyey, haddii ay iskuul tahay, haddii ay Masaajid tahay, haddii ay baraag tahay intaas ayaan ka fushay ayaan leeyahay”.

Caaqil Cabdilaahi Maxamed Ducaale, oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Dadkii dadku ka baxay, waxaan u dirayaa tacsi, waxaana leeyahay waar cidi iskama kiin xigto, ee yaan la idinku adeeganin, Dawladda wax qaban kama rabato, sababtoo ah haddii ay wax ka qabanayso mar hore ayey wax ka qaban lahayd,go’aan bay fulisay, halkii waxba kamay dhaqaajin, nabadgalyadii may adkayn, wax daba gal ah kumay sameeyn, anagu habeen habeenada ka mid ah ayaanu Madaxtooyada tagnay, oo waxaanu nidhi dadka qaar baa tikniko haysta oo shan baabuur haysata, waanu ognahay ayey yidhaahdeen, kuwaas shanta baabuur haysta”.

Xildhibaan Jamaal Xuseen Cawad oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Ceel-afweyne, ayaa isna wuxuu yidhi “Waa la garanayaa muddadii hore ee ay hawshu bilaamatay, waxaan leeyahay nabadu waddo ayey leedahay, colaaduna waddo ayey leedahay, ee waddada ay dawladduna marisay may ahayn waddadii ku haboonayd ee nabadgalyo lagu gaadhi jiray, sababtoo ah dadka ay wax kala gaadheen baa la isku keenaa, gacmaha ayaa la isku saara, tabashoodooda iyo waxay ka kala cabanayaan ka hadla la  yidhaahda, cidii dhimatay baa aas iyo doog la siiyaa, kii dhaawacmay baa la daweeya, oo gacanta la mariyaa, marka intaas oo dhan la sameeyo ayaa balanta iyo nabadgalyada la xidhaa”.

Guddoomiye ku xigeenka Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Cabdiqaadir Askar Xasan oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Dagaal wax macano leh aanu ku jirin, ay dad maanta eheli dhiigooda ku daadiyaan, aad baan uga xumahay, aad baana uga tacsiyadaynayaa, aad baana u dareemaya nasiib darada ku dhacday dadkaas aan ka soo jeedo, umadda reer Somaliland aad baan uga mahadcelinayaa baaqyadii nabada ahaa ee ay hawada u mariyeen dadkaas walaalaha ah ee shaqaaqadu ka dhex dhacday, ee waliba muddo soo jiitamaysay, waxaan jecel ahay in aan iftiimiyo inay Xukuumaddu ka gaabisay, muddadaas sannadka iyo badhka ah ee shaqaaqadu halkaas ka dhacday, ha ahaado aqoon daro dhinaca Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Maxamuud Xaashi, ama ha noqoto dayaca ama aamin daro, dadkaas walaal ah, haddii loo dayn lahaa Salaadiintii iyo Madax-dhaqameedkii Somaliland, ee hawshaas galay, oo aan geed hoostii waxba looga yeedhin, maanta halkaas may soo gaadheen, waxay Somaliland oo dhami markhaati ka ahayd, iyadoo Salaadiinta Awdal, Maroodijeex, Togdheer iyo Sool ay soo gurmadeen oo ay Ceel-afweyn yimaadeen, muddo hadda laga joogo sannad dhaw-dhaw, si ay u damiyaan shaqaaqadaas, waxa nasiib daro ahayd in inta uu Wasiir Maxamuud Xaashi, intuu afar Wasiir kaxaystay inuu maalin geed hoostii ka akhiryey warqad laba bayj ah, oo uu yidhi Salaadiintii, Cuqaashii iyo Wax-garadkii warqadaas bayaanka ah ee aanu soo saarnay ayey arintii ku dhammaanaysaa, maanta dad badan baa dhintay, sannadkaas ay socotayna sababteena waxa leh Xukuumadda”