Siraha Ku Duugan Maskaxda Ninka Iyo Dabeecadaha Ka Dhashay, Balse Aanu Jeclayn In Dumarku Ogaadaan

0
637

Hargeysa (Geeska) Waa qormadii Labaad uguna dambaysay ee taxanihii aynu ku soo bandhignay siraha qarsoon ee ku duugan maskaxda ninka ee saamaynta ku leh dabeecadihiisa, laakiin ay raggu inta badan qarsadaan.

– Ha u qaadan in ninku mar kasta jinsi ka fikirayo: Inta badan dumarku waxa ay ninka ka aaminsan yihiin in uu yahay noole ay maskaxdiisu mar kasta ka fikirto xidhiidho jinsi iyo dunida haweenka, xitaa ragga qaar ayaaba fikirkaas qaba, oo u haysta waxa uu ninku asalka horeba gabadh ka doonayaa in uu yahay  xidhiidh jinsi. Laakiin cid kastaaba ha aaminsanaato ee warkaas waxaa beeniyey khubarada cilmi nafsiga ee baadhitaannada cilmiga ah ku sameeyey. Baadhitaanno ay xeeldheerayaashu sameeyeen ayaa caddeeyey in sida dumarka oo kale uu ninkuna leeyahay shucuur iyo caadifad ku abuuran oo farta calool dabac, naxdin, oohin iyo dareenka bani’aadamnimo oo dhan, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku adkaysanayaan in ragga qalad laga fahmay oo aanay ahayn makhluuq gabadha waxa keliya ee ay ka doonayaan uu yahay ujeedo jinsi, waxase yaab leh in raggu ay shucuurtaas qarsadaan oo ay dumarka isaga yeelyeelaan qalbi adayg iyo in mar kasta ay jinsi doonayaan.

– U adkaysiga xanuunka: Waa run in dumarku ay adkaysi badan u leeyihiin xanuunka jidheed ee soo mara, tusaale fogna uma baahna oo umusha iyo foosha ayaa innagu filan. Waxase jira dareen dad badani qabaan oo ah in raggu aanay iyagu adkaysigaas oo kale lahayn. Laakiin baadhitaanno cilmiya oo kala duwan ayaa daahfuray in ragga ay dumarka ka adkaysi badan yihiin. Si kastaba ha ahaato ee ninku nafsiyan uma diyaar aha in uu gabadha u muujiyo in uu ka adkaysi badan yahay, dabeecadihiisana waxaa ka mid ah cabashada badan iyo in uu mar kasta daryeel gaar ah dalbado, taas ayaana ku kallifta in uu qarsado adkaysigiisa, si aanu u waayin xannaanada uu gabadha ka filayo.

– Shucuurta: Inta badan gabadhu shucuurteeda si dhaqso ah ayaa ay u muujisaa, farxaddeeda ma qarsan karto oo qosol iyo badh-badhaadh ayaan laga waayin, murugadana ilmada oo hoorta iyo calaacal kama dhammaado, tani waxa ay abuurtay in dad badani u qaataan in dareenkani uu dumarka uun u gaar yahay. Waxase uu cilmigu caddeeyey in ragga qudhoodu ay shucuurtaas oo kale leeyihiin, laakiin yaabkoodu uu yahay in ay qarsadaan, oo gaar ahaan ay gabadha ka qarsadaan sababta ay doonaanba ha uga qarsadeen ama ha isu tuseen in qarsigaasi uu muhiim yahay e’.

– Yaa yidhi dumarka ayuun baa hadal badan?: Tan iyo dura, waxa ay quruunta kala duwan ee dunida soo martay isla dhex maraan in dumarku ay yihiin duul hadal dhacay, Soomaalidaaba malaha ka mid ah oo waa kuwa yidhi, “Rag waa Shaah, dumarna waa sheeko” laakiin in dumarku ay ka hadal badan yihiin ragga, cilmiga casriga ahi su’aal ayaa uu ka soo celiyey. Cilmibaadhayaal kala duwan oo arrintan daraasado ku sameeyey ayaa ogaaday in raggu ay hadlaan in la mid ah ama aad ugu dhow inta ay dumarku hadlaan uun. Dhammaad.