Ma Ka Xorownaa? W/Q:Khadar Gureyte

0
644

10965456_801038419976290_2023290951_nHebelkii aad taqaanay ayuun-baa gafuurka taagaya marka uu midh ku dhufto, badiba dadka inta hareera joogta ixtiraami maayo, kolba dhinac ayuu kaga keenayaa qiiq badan oo uu kaga budh-budh siinaayo, wax-tar wax isaga u leh maaha, dadka hareera joogana hadalkoodaba iska daa. Haddii uu naftiisa wax-tar u lahaan lahaaba kan magac xumadiisa ayaad ka garanaysaa in aan wax fiicani ka muuqanin, marka uu nafta gubaayo ee uu dhibaayo qofka ayaa la odhanayaa wuu shidan yahay, marka uu nafta waxtarka u leeyahayna waxaa la odhanaya waa uu bakhtiisan yahay.

Waa dhimbiil daba oo qofka isticmaalaya wadnahiisa waxyeelo u gaysanaysa, sambabadana shaandhaynaysa, dadka inta isticmaashaa waa ay ka dulinimo badan tahay inta kale, had iyo jeer hadh madaw ayaa ka sokeeya, iyaguna intooda isticmaasha ayey gaar isu jecel yihiin isuna urursadaan, caafimaadkooda ayaa ka liita kuwa kale, wadno xanuun, sanbabo xanuun iyo waxyaabo kale ayey qux quxda la wada hayaan, kuwii soo sameeyey ayaa cida isticmaalaysa uga diga iska daaba dhakhaatiirta iyo cidii kale ee la'  hal-maasha ee mar walbana digniinaha caafimaad ka soo saarta.

Naftiisa xor uma aha, subaxii haddaanu helin, xaraarad iyo balaayo baas oo kale oo aanad garanayn ayuu kuu sheegayaa, duhur iyo gabal dhacna waa sidan uun xaalkiisu, mar marka qaar waxa aad arkaysaa isaga oo baryaya qof kale oo hadduu wax hagaagsan way diisanayee , wax aan qiimahiisa iyo sharaftiisa ahayn ayuu ka tuugayaa, iyaguna dulinimada way isku og yihiin iyo in aanay xor wada ahaynoo xeer ayuu uga dhiganayaa oo markiiba gacanta ayuu u galinayaa dhimbiil dab ah si isagana uu markiisa sidan oo kale uu ugu hambeeyo.

Haddaba waa abaaro Labadii maalinimo, badiba dukaamadii aga’gaarkayga ka dhawaa waa ay xidhan yihiin, aad ayaan u talaabo dheeraynayaa, kulayl badan oo dhacaaya iyo xaafadii oo la’ iga sugaayo ayaa hore ii da’ dajinaaya, xili aan xiliba ahayn oo aan maqiiqanahay ayuu mid baas oo show dhinacayga maraayey igula soo booday, “Walaal, inankow dab ii dhiib?.”, waan istaagay!. Hawo yar oo marka soo dhacday iyo xawaaraha socodka aan ku soconaayo ayaa show hadalkiisii i dhaafiyey.“War maxaad na tidhi?.”. Kuye walaal dab aan Sigaarkan ku shito ii dhiib(Bidh ama Leetar)?. Inta aanan u jawaabin ayaan markiiba is arkey aniga oo jeebkayga gacanta sii holinaaya, haddana inta aan jeebkii gacanta kala soo booday aniga oo si hoose isula hadlaaya oo leh waar ninku ma bidhii sigaarka lagu shidayey ayuu ku waydiiyey?. Haa, taas lafteeda ayuu ku waydiiyey, oo ma sigaar ayaad cabtaa adigu, Igawala mayee ma cabtid, hadaa maxaad isu baadhaysaa. Dee mooyi. Markiiba hadana inta aniga oo xanaaqsan aan dib u eegay ayaan ku idhi waar inkaar kugu dhacdayee maxaad na waydiisay. waar naga tag Sigaarba ma cabnee!!!, xor baanu ka nahay!!!, waligayna xor ayaan ka ahaa, Adiguna in aad ka xorowdo ayaan Alleh kaaga baryeynaa. Inta uu qoslay ayuu iska dhaqaaqay isaga oo kar haaya hadalka iga soo yeedhay.

Iska soo socday, bar Allee halkii aan awalba baska ka raaci jiray, ayaan hadana soo istaagay, dadkii meesha taagnaa, “waar baskeeba baxaaya.”, rakaabkii “Kan ayaa baxaaya ee soo fuul adiga oo qudha ayaa hadhanee.”. Dalam, ayaan idhiba, Wallee waa bas fiican, oo nasiib ayaad leedahay.Cabaar markii uu nala socday waaba ur xun oo ka soo kam kamaysa xaga danbe ee baska oo ku beegan daaqad aanu ka laydhsanaynay, waaba nin aanay ka qasnayn oo inta uu is kala waaxay oo uu naftana xoorka isgaliyey, ayuu budh budh ka siinayaa xabad Sigaar ah baska xagiisa danbe, cidba wax iska bidi maayo, reer magaal reer magaal ka tagay ayaaba uu isu haystaa, ma dhaadana dadka baska midhiqda ah ee rag, haween iyo caruurba leh, qaar buka iyo qaar kaleba.

Fariidkii xaga danbe budhaa ka hayey, ayaaba ka sii daray oo malaha inta uu is illaabay qiiqii sigaarka uu cabaayey u soo afuufay dhankii gudaha, mar kaliya ayaaba aniga, dhawr haween ah iyo Laba, Saddex nin oo aan is idhi wadaado ayey ahaayeen ayaa si cadho leh ninkii dib u eegay “Waar ixtiraam dar-nidaa!. Dee baska dad ayaa kula fuushanee sigaarka iska bakhtii hadhaw marka aad ka dagto ayaad cabiyee oo iska tuur haween iyo caruur ayaa meesha saaranee.”. Markiiba ilayn kama qasnoo maaha nin xor ah oo xabadan Sigaarka ah ayaa naftiisa guumaysanaysee Kuye“Adeer, ma lacag ayaad nala siisateen, meeshiina iska fadhiya mise hawada ayaad naga iibinaysaan.”. bal eeg hadda boqolka shilin ee uu soo siistay midh kaa sigaarka ah ayaa kala qiimo badan dad dhan caafimaadkood, waxaaba aad mooda in aanuu dhaadanayn khatarta caafimaad darro ee uu faafinaayo, in qofka cabaaya uu uga sii nugul yahay ka qiiqiisu ku baxaayo ugana khatar badan yahay.

Maaha kaliyaata basaska, se badiyaaba goobaha dad weynahu ku kulmaan, ayaa arrimaha noocan oo kale ah la’gala kulmaa, waxaana aad inta badan arkaysaa dad badan oo caado ka dhigtay iyaga oo sigaar ku qiijinaya meelaha ay bulshadu ku kulanto.

Inta badan, goobaha bulshadu ay ku kulanto ayaa dunida ilbaxa ah ee horumartay madnuuc ka ah cabista sigaarka iyo waxyaalaha kale ee la halmaala, iyada la illaalinaayo in qofku uu ku xad gudbo xuquuqda qofka kale ee bani’aadamka, waxaana goobaha noocan oo kale ah lagu dhajiyaa calaamado muujinaaya in ay madnuuc tahay in sigaar lagu cabo.Se malaha maheradaheena oo ay iskaba yar yihiin inta lagu dhajiyo calaamado noocan oo kale ah, dadkuna aanay badi doodu dhaadanayn khatarta uu leeyahay in sigaarka lagu dhex cabo goob ay bulsho isagu timi ayaa inta badan ah mid wax iska caadi ka noqotay in goobaha bulshadu ay isagu timaado aan la’iskula yaabin qiijinta Sigaarka.

Mar walba, waa lagama maar maan in bulshada qaybaheeda kala duwan ay ka digtoonaato halista uu leeyahay cabista sigaarku, waxaana loo baahan yahay in aynu bulshadeena Soomaaliyeed ka xoreyno guumaysiga khatarta ah ee ay dhambiisha dabka ee Sigaarka ahi ku hayso dadkeena, siiba marka lagu dhex cabaayo meel bulsho nooc walba lahi ay ku kulmayso, dhakhaatiirta iyo dhamaanba cidii kale arrimaha caafimaadka ku shaqada lehba waa in dhankooda wacyi galin badan ka sameeyaan sidii looga xoroobi lahaa oo aan goobaha dadku ay ku kulmaan loogu cabi lahayn sigaarka iyo waxyaalaha kale dhibta u keeni karta bulshada.

 

Khadar Cabdi Xasan (Gureyte)

khadargurayte@gmail.com