Xasuuqii Dhacay Looma Kala Hadhin: Kooxda Chelsea Oo Wenger Nus Darsin Goolal Ah Ugu Hibaysay Kulankiisii 1000-aad + Kooxaha Liverpool Iyo Manchester City Oo Guulo Gaadhay

0
773

ciyaarahaKulamadii shalay iyo xalay dhacay ayaa noqday kuwo goolal baddan lagu kala guuleystay, waxaana uu ahaa toddobaad si gooniya isha loogu wada hayay kulankii dhex marayay kooxaha Chelsea iyo Arsenal.

Chelsea Vs Arsenal 6:0

Ma ahayn wax la filaayay in kooxda Chelsea ay cagta marin doonto Arsenal maadaama labadan koox ay isku haysteen loolanka hogaanka Premiership-ka balse dhamaadkii kulankaas waxaa ka soo baxday natiijo lama filaan ah waayo Chelsea waxay dhigeeda Gunners-ka ku khaarijisay 6-0 dabcan Mourinho si weyn ayuu ugu farxay natiijadan maadaama uu hore wacad ugu maray inuu dabaal-dega Arsene Wenger arbushi doono sidaa darteed Wenger kulankiisii 1000-aad isagoo Arsenal macalin ah wuxuu noqday mid aanu iloobi doonin.

Kulankaas waalida ah 17-daqiiqo ee ugu horeeyay ayaa Arsenal hawada lagu cunay maadaama 3-0 la gaadhsiiyay waxaana goolasha ka dhaliyay Eto’o daqiiqadii 5-aad, Schurrle 7-aad iyo Hazard oo daqiiqadii 17-aad rigoore dhaliyay, sidoo kale bilawgii ciyaartan garsooruhu wuxuu kaadhka cas u taagay Kieran Gibbs inkasta oo calaamadan dood badan ka dhalatay sidoo kalena Arsenal ka dacwoon doonto, kubad sameeye Oscar ayaa qaybtii hore 4-0 ku soo xidhay ka dib markii uu daqiiqadii 42-aad gool dhaliyay. Markii la isku soo laabtay Wenger hadafkiisa wuxuu ahaa inaan gool kale laga dhalin sharaftiisana uu bad-baadiyo balse Mourinho ayaa midaas diiday wuxuuna xiddigihiisa kula soo dar daarmay inay Arsenal laba cad ukala dhigaan waxaana balankii Mourinho oofiyeen Oscar oo daqiiqadii 66-aad 5-0 ka dhigay iyo Mohamed Salah oo isna goolkiisii u horeeyay Blues u dhaliyay wuxuuna ciyaartan ka dhigay 6-0 daqiiqadii 71-aad, dedaal fara baddan Chelsea uma suurta-gelin inay gool kale dhaliso balse Wenger waxaa lagu soo dhaweeyay nus darsin goolal ah kulankiisii 1000-aad isagoo Arsenal macalin ah u sidaas darteed Jose Mourinho markale ayuu madax xanuun ku riday Wenger oo ay si weyn u xifaaltamaan sidoo kalena Chelsea waxaa u suurta gashay inay Arsenal meel cidlo ah iskaga reebto kana rajo tirto hamigii ay ka qabtay Premiership-ka.

Man City Vs Fulham 5:0

Saddexlaydii ugu horaysay ee Yaya Toure uu u dhaliyo Manchester City ayaa ka saaciday kooxda Sky Blues inay 5-0 kaga talaabsato kooxda Fulham oo marti ku ahayd Etihad Stadium iyadoo City ay kaalinta 3-aad ay kala baxday Arsenal. Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay City hogaanka ku heysay iyadoo qeybtii labaad City loo dhigay rigoore kale iyadoo Amorebieta la siiyay casaan toos ah ka dib qalad uu ku galay Silva. Toure ayaa mar kale gool u sarifay rigooradaas. Yaya Toure ayaana saddexlaydiisii ugu horaysay ee Man City dhamaystirtay daqiiqadii 66-aad,

Daqiiqadii 84-aad ayaa Fernandinho uu ciyaarta ka dhigay 4-0, Daqiiqadii 88-aad ayaa Martin Demichelis oo xilli ciyaareedkan eedayn baddan la kulmay uu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Premier League taas oo ciyaarta ka dhigtay 5-0 oo ay City ku badisay.

Cardiff City Vs Liverpool 3-6

Liverpool ayaa sii xajisatay booskeeda kaalinta 2-aad ee horyaalka Premier League ka dib markii ay 6-3 kaga faraxalatay kooxda Cardiff City iyagoo laba jeer ka soo kabsaday gool looga hormaray, waxaana ay weli ku jiraan tartanka horyaalka. Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro 2-2.

Goolasha kooxda Liverpool ku badisay ayaa waxaa u kala dhaliyay Luis Suarez oo hat-trick dhaliyay iyo Martin Skrtel oo 2 laba gool dhaliyay.