Sinjibiisha Waxa Ay Leedahay Faa’iidooyin Badan Oo Ay Ka Mid Tahay Joojinta Fiditaanka Kansarka

0
1876

 

Sinjibiisha oo ka mid ah dhirta qarniyada badan adduunka laga yaqaannay, bulshooyin badanina u isticmaali jireen dawo dhaqameed. Si kastaba ha ahaato ee marar kala duwan ayaa laga digay khataro caafimaad oo ka dhalan kara, haddii qofku uu xaddi aad u badan ka isticmaalo sinjibiisha.

Qormadan oo lagu faafiyey shabakadda wararka ee Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa faa’iidooyinka cilmibaadhisaha kala duwan iyo xeeldheereyaasha caafimaadku ka marag kaceen in laga helo isticmaalka sinjibiisha.

Joojinta koritaanka Kansarka

Cilmibaadhayaal Maraykan ah ayaa ogaaday, in laba isku dhis kiimikaad oo ku jira sinjibiisha iyo busbaaska akhtarka casi ay kaalin muhiim ah ka qaataan joojinta koritaanka degdegga ah ee ay sameeyaan unugyada kansarka ahi.

Cilmibaadhayaashan oo ka tirsanaa jimciyadda culuumta kiimikada ee Maraykanka ayaa lagu ogaaday in madadda ‘Capsaicin’ oo ah isku dhiska keena dhadhanka kulayka ah ee busbaaska cas, haddii lagu daro maadadda kale ee ‘Gngerol-6 oo iyaduna ku jirta sinjibiisha in ay ka qayb qaataan joojinta koritaanka degdegga ah ee unugyada kansarka ah ee sambabka ku samaysma. Tijaabooyin ay cilmibaadhayaashu jiir ku sameeyeen ayaa muujiyey in isku darka labadan isku dhis ay boqolkiiba 80 joojiyeen faafitaanka kansarkan.

Xanuunka Crohn

Xanuunkan oo ah bukaan ku dhaca midhicirada oo saamayn ku yeelan kara guud ahaan habdhiska dheefshiidka, laga bilaabo afka illaa xagga dambe. Calaamadihiisana ay ka mid tahay calool xanuun, iyo shuban marmarka qaarkood uu dhiig la socdo saxarada, xummad iyo miisaanka oo hoos u dhaca.

Cilmibaadhis ay sameeyeen xeeldheereyaal ka tirsan xarunta caafimaadka ee Atlanta oo ku taalla dalka Maraykanka ayaa daraasad ay sameeyeen sannadkii 2016 kii ku ogaaday in sinjibiisa loo adeegsan karo daweynta xanuunka Crohn iyo nabarka calooleedka.

Tijaabooyin ay xeeldheereyaashu sameeyeen ayaa ay ku ogaadeen in sinjibiishu ay si muuqata yarayso bukaanka midhicirada, kana hortagto in uu dhaco kansar xidhiidh la leh xaaladdan.

Daweynta dhuunta

Hay’adda daryeelka caafimaadka ee dalka Qatar ayaa ku talisay in cuno xanuunka loo isticmaalo sinjibiisha oo lagu daray malab.

Warbixin ay hay’addu soo saartay ayaa ay ku sheegtay in sinjibiishu ay daweyn karto dhibaatooyinka neef mareenka, gaar ahaan marka lagu daro malabka oo ay u fiican tahay daweynta hunguriga oo ay kala dagaalanto bakteeriyada.

Kansarka naaska

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda boqor cabdalcasiis ee dalka Sucuudiga ayaa iyaguna ogaaday in Sinjibiishu ay kaalin wax ku ool ah ka qaadato daweynta kansarka naaska. Waxa ay sheegeen in sinjibiisu ay awood u leedahay burburinta unugyada kansar, iyada oo aan wax dhibaato ah gaadhsiin unugyada badqaba.

Digniin

Waxaa xusid mudan in bukaanka kansarka looga digay in ay isku darka labadan maaddo ama sinjibiisha iyo busbaaska u qaataan in ay yihiin dawo lagu beddelan karo dawooyinka ay qaataan. Waana in ay dhakhtarka xaaladdooda gacanta ku haya kala tashadaan isticmaalka labadan maaddo.

Warbixintan waxaa lagu sheegay in ay jiri krana dad xasaasiyad ku leh sinjibiisha, sidaa awgeed ay u baahan tahay in qofku uu hubiyo. Waxa kale oo jira xaalado ka dhalan kara haddii sinjibiil badan la isticmaalo, waxaa ka mid ah calool olol, dibiiro iyo shuban.

Waxa kale oo ay nabarro u samayn kartaa afka gudihiisa iyo dhuunta. Arrinta kale ee ay tahay in la ogaado ayaa ah in sinjibiishu ay furfurto dhiigga, sidaa awgeed qofka qaata dawooyinka dhiigga furfura waxaa lagula talinayaa in uu dhakhtar kala tashado isticmaalka sinjibiisha.

Inkasta oo ay sinjibiisu xal u noqon karto matagga ay dumarka qaar isku arkaan xilliga uurka bilowgiisa ee wallaca loo yaqaanno, haddana waxa ay khubaradu ku talinayaan in isticmaalka ka hor ay dhakhtarka la tashato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here