Facebook Oo Soo Kordhisay Adeeg La Mid Ah Instegram Ayaa Abuurtay Shaki Ah In Ay Xidhayso Instegram Ka

0
780

 

Washington (Geeska)- Facebook ayaa bilowday tijaabada adeeg cusub oo ay u bixisay ‘Popular Phots’ oo soo bandhigaya liis aan dhammaad lahayn oo ah sawirro laga soo xulay sawirrada ay saaxiibbadu soo dhigeen Facebook.

Tallaabadan ayaa ay dad badani u arkeen in ay hor dhac u noqon doonto dhammaadka shabakadda Instegram oo hadda saaxiibbadu ay u adeegsadaan faafinta sawirrada, maadaama oo isla adeeggii Istergram qabanayey uu qofku ku dhex helayo facebook, isaga oo aan laab shabakadood kala isticmaalin sida hadda jirta.

Waxaa muddooyinkii u dambeeyey la dareemayey kor u kac xawaare ku socda oo ay shabakadda Instegraam ku socoto iyo hoos u dhac ku jira isticmaalka Facebook oo ah shabakadda xidhiidhka bulshada ee adduunka ugu weyn. Sida awgeed, tallaabadani waxa ay u muuqataa mid uu facebook ku doonayo in uu is dhexgeliyo labada shabakadood ee Facebook iyo Instegram si ay macaamiishiisu ugu mashquulaan isticmaalka shabakadda aasaasiga ah ee facebook oo ay ka dhex helayaan wixii ay u baahnaayeen oo dhan.

Afhayeen u hadlay Facebook ayaa sheegay in shirkaddu ay bishii Oktoobar tijaabooyin kooban oo guulaystay ku samaysay adeegga cusub ee ‘Popular Phots’ laakiin ay haddana weli khubaradu doonayaan in ay ku sameeyeen tijaabooyin dheeraad ah, ka hor inta aanay macaamiisha u sii deyn isticmaalkiisa.

Adeeggan cusub oo sawirro iyo muuqaallo Fiidyow ah oo gaabanba qaadi kara ayaa marka uu qofku ku guda jiro ula muuqanaya in uu ku jiro shabakadda Instagram.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here