Sijaayad Loo Tolay Qabriga Nebi Muxamed (SCW) Oo Lagu Iibiyey Shan Milyan Iyo Badh Doolar

0
696

Picture7Madiinah (Geeska)- Siyaayad qurux badan oo loogu talo galay in la huwiyo qabriga Nebi Muxamed (SCW) ayaa carwo ku taalla dalka Qatar waxaa lagaga iibsaday lacag dhan Shan Milyan iyo Badh doolark Maraykanka ah. Warkan oo uu Wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay jariiradda Ar-Rraaya ee ka soo baxda dalka Qatar, ayaa sheegaya in carwo muddo ka hor lagu qabtay magaalada Doxa ee xarunta dalka Qatar lagu iibsaday sijaayaddan oo lagu magacaabay Baaruudaa.

Xabiib Basha oo Isu-duwe ka ah urur caalamiya oo fadhigiisu yahay Qatar oo Bandhiggan iibka aataarka islaamiga ah soo qaban-qaabiyey ayaa Jariiradda Ar-Rraaya u sheegay in sijaayaddan oo magaceeda loo bixiyey Baaruudaa ay ka samaysan tahay maaddadaha Dheemanta iyo dahabka, sidoo kalana lagu xardhay maadadda luulka ee laga helo dalalka Khaliijka.  Waxa uu masuulkani sheegay in qiimaha bilowgii lagu soo bandhigay sijaayaddani ahaa Afar Milyan iyo Shan boqol oo kun oo doolar, laakiin markii dambe isku erigu gaadhay in qof codsaday in la qariyo oo ka soo hadlay talefan uu ku iibsaday shan milyan iyo badh doolar.

Farsamo yaqaan u dhashay dalka India oo muslimay ayaa muddo hadda laga joogo boqol sano ka hor sijaayaddan qaaliga ah u sameeyey in la huwiyo qabriga Rasuulkeena sharafta badan (SCW) ee magaalada Madiina, laakiin ninkan Hindiga ahi waxa uu dhintay isaga oo aan riyadiisaa rumayn. Sida uu sheegay masuulkani sijaayaddan waxa illaa hadda iska lahaa qoyska uu ka dhashay ninkaa hindiga ahi, dhererkeedu waa Laba Mitir iyo badh ballaceeduna waa Mitir iyo badh, midabkeedu waa beej furan, laakiin macdanta ay ka samaysan tahay iyo ta lagu xardhay ayaa uu ekeysiinaya in ay midabaysan tahay.

 

'? a0K PA aa sheegaya in meelaha ugu badan ee ay hawada AC gu ku dhacdaa ay tahay raqabadda, iyo dhabarka oo labaduba xasaasi ah maadaama aanay lahayn dabaqadda dufanka qarada leh ah ee inta badan ku dahaadhan jidhka kale si ay u ilaaliso muruqyada, waxa aanay culimadu sheegayaan in is beddelka kediska ah ee tooska ah ee uu AC gu ku keeno heer kulku in uu sababo in ay ururaan muruqyada yaryar, taasina ay keento in dhererka muruqyada kala tago, isla markaana ay ku timaaddo giijisnaan ka adag inta dabiiciga ah, waxa aanay qofka ku keenaysaa xanuun badan oo mararka qaarkood aanu u adkaysan karin.

 

Dhibaatooyinka kale ee uu hawo-qaboojiyuhu keenana waxaa ka mid ah:

– Qofka oo ay ku adkaato in uu la qabsado hawada qabow. Waxaana dhacda in qofku haddii hawo iyo cimilo aad u kulul ku qasbanaado in uu ku noolaado ama cabbaar joogo in uu miyir beel ku dhaco.

– Maqaarka (Dubka) oo qallayl noqda, maadaama oo hawada AC gu ay qoyaanka iyo dufanka dabiiciga ah ka qaadayso, haddii aanu qofku wax ka qabanna waxaa dhici karta in uu jidhku dil-dillaaco.

– Daal iyo burbur joogto ah: cilmi baadhis la sameeyey ayaa xaqijisay in dadka sida joogtada ah u isticmaala hawo-qaboojiyuhu ay boqolkiiba toddobaatan la kulmaan madax xanuun badan, cabudh, hargab iwm.

– Hawo-qaboojuhu (AC) waxa uu keenaa dhiigga oo hoos uga dhaca inta dabiiciga ah, Roomatiisam, iyo caabuq ku yimaadda neerfayaasha qaar.