Siilaanyo Wuu Dheeli-Tiray Dhinacuu Taagnaaye, Niman-Baa Dhan Kale Noo Wadoo Noogu Dhigan Buug

1
926

Hargeysa (Geeska) – Oday Cabdi Ibraahin Yuusuf (Cabdi Cawar), oo ka mid ah odayaasha reer Hargeysa, ayaa ammaanay waxqabadka xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo dalka ka samaysay mudadii ay xilka haysay, waxaanu si gaar ah farta ugu fiiqay dayactirka lagu sameeyay jidka laamayda ah ee u dhexeeya Hargeysa iyo BerberaPicture1.

Muwaadinkan oo xalay nagu soo booqday xarunta Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay inuu ku farxay sida loo hagaajiyey jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, kaasi oo uu sheegay inuu hore aad ugu burbursanaa isla-markaana gaadiidlayda isticmaashaa ay dhibaato badan ku qabeen.

Cabdi Ibraahim Yuusuf, oo ugu horeyn ka hadlaya dayactirka jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera ayaa yidhi ”Waxaan Waddada Hargeysa iyo Berbera u dhaxaysa Maray muddo imika laga joogo laba bilood, iyadoo aad u wada burbursan oo googo’an oo aanad socon Karin, dabadeedna toddobaadkan ayaan Berbera tagay waddadii oo gabigeediiba la bedalay, laga bilaabo Burcada ilaa Sheekh Abdaal oo lagu sameeyay qalabkii Madaarka Lagu sameeyay, haddana dib-baan u soo noqday waxaan arkay meesha Burcada la yidhaahdo oo xagga Hargeysa u soo wada, markaa dadka leh waxba lama qaban, hasoo eegaan waddadaasi, dawladdii horena way taagnayd waddada oo googo’an, muraadna kama galin”

Cabdi Ibraahim, waxa kale oo uu sheegay “Ta labaad, xafiisyada dawladdu kiro ayay ku wada jireen, waxaan arkay Wasaaradihii in xafiisyo loo sameeyay, kuwo kalena loo samaynayo, markaa waxqabadka waala sheegaa oo la isma xaasido, wixii khaldana waala sheegaa, wixii saxana waa la sheegaa oo waala raacaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markaa Ummadu ha aragto waxqabadka, yaanay iska odhan waxbaa qaldan, waxaanan leeyahay

Siilaanyo Wuu Dheeli-Tiray Dhinacuu Taagnaaye,

Niman-Baa Dhan Kale Noo Wadoo Noogu Dhigan Buug”

 

Comments are closed.