Mudaharaad Ka Dhashay Saami Qaybsiga Dawladdeed Ee Gobalka Togdheer Oo Shalay Gilgilay Burco, Khasaraha Ka Dhashay Iyo Bandoo Lagu Soo Rogay

24
752

burcoBurco(Geeska)-Mudaharaad khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed sababay ayaa shalay gilgilay magaalada Burco, kaas oo barqadii shalay ka bilaabmay magaaladaas.

Mudaharaadka ayaa ka dhashay ka dib markii ay dhallinyaro iyo dadweyne kale oo badani ka gadoodeen bedelaad lagu sameeyay taliyihii Booliska Togdheer Axmed Ilkacase, oo loo bedelay gobalka Selel. Mudaharaadka ayaa u abaabulnaa weji beeleed oo ay magaalada Burco muddooyinkan dambe ka soo doogtay. Waxay ka cadhoodeen dadkaas mudaharaaday saami qaybsiga dawladeed ee gobalka togdheer.

Mudaharaadka oo saamayn ku yeeshay isu socodka iyo ganacsiga magaalada, waxa ku geeriyooday hal ruux oo nin ahaa,  waxaana ku dhaawacmay dhawr qof oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada Booliska.

Ciidamada qaranka iyo odayaal reer Burco ah ayaa si weyn ugu guntaday sidii ay u damin lahaayeen mudaharaadka oo marba weji  yeelanayay, waxaana aakhirkii lagu guulaystay dejinta xaaladda, iyadoo ay shalay gelinkii dambe Burco gaadheen cutubyo ka tirsan ciidamada Booliska ee RRU loo yaqaano.

Xubno wasiiro ah, badhasaabka gobalka iyo maayarka degmada Burco oo shalay gabal dhicii shirjaraa’id ku qabtay magaalada Burco, ayaa ka waramay khasaaraha ka dhashay mudaharaadkaas, waxaanay dadweynaha reer Burco ugu baaqeen inay is dejiyaan oo ay nabadgelyadooda ilaashadaan. Wasiiradu waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen xaaladda islamarkaana ay ka hawlgalayaan sidii ay nabadgelyadu degenaansho ugu soo noqon lahayd.

Xubnahani waxa kale oo ay xalay ku soo rogeen Bandoo magaalada Burco, iyadoo xalay la xayiray dhaqdhaqaaqa gaadiidka isaga goosha magaalada Burco, waxaana Bandooga laga qaadayaa saaka.

Taliyaha Booliska Togdheer ee la bedelay ayaa ka mid ahaa taliyayaal uu isku shaandheeyay taliyaha Booliska Somaliland sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, waxaana magaalada Togdheer loo magacaabay sarkaal kale oo Boliska ka tirsanaa.

Magaalada Burco ayaa waayadan dambe u muuqatay inay ka soo baxayso ficilada beeleed ee ka jiray wakhtiyadii hore, waxase muuqata inay hadda soo laba kaclaynayso.

 

Comments are closed.