Ganacsatada Somaliland Oo Soo Dhawaysay Guddoomiyaha Cusub Ee Loo Doortay Rugta Ganacsiga Djibouti

37
965

Picture2Hargeysa(Geeska)-Ganacstada Somaliland ayaa si balaadhan u soo dhawaysay guddoomiyaha cusub ee loo doortay rugta ganacsiga wadanka Djibouti Md. Yuusuf Muuse Dawaale, kaas oo toddobaadkan si rasmi ah loogu doortay xilkaas. Mudane Dawaale ayaa ka tirsanaa Baarlamaankii hore ee wadanka Djibouti.

Yuusuf Muuse Dawaale, oo muddo dheer ku soo jiray ganacsiga wadanka Djibouti, waxa doorashadiisa si weyn u soo dhaweeyay ganacsatada Somaliland oo wadanka Djibouti la leh xidhiidh ganacsi iyo mid dhaqaale, waxaanay sheegeen in doorashadiisu sii xoojin doonto ganacsiga ka dhexeeya labada wadan iyo labada shacab ee Somaliland iyo Djibouti. Ganacstada soo dhawaysay ee Somaliland u dhalatay  oo ay ka mid yihiin ganacsade Khadar Bayle, ganacsade Cabdiwahaab Xaaji Cali Axmed, Ganacsade Axmed Yuusuf Xasan iyo ganacsade Jimcale Muxumed Faarax, waxay intaas ku dareen inay aaminsanyihiin in doorashada rugta ganacsiga Djibouti loo doortay Mr. Dawaale ay sidoo kale farxad u tahay ganacstada Somaliland.

Ugu dambayna waxay hambalyo u direen guddoomiyaha cusub oo ay Alle uga baryeen inuu xilkaas u fududeeyo, waxaanay sheegeen inay garab taaganyihiin.

 

Comments are closed.