Sigaar Quutayaasha Oo Lagula Taliyey In Ay Aafada Karoonaha Ay Uga Faa’iidaystaan Joojintiisa

0
648

Xeeldheereyaal caafimaad ayaa ku taliyey in fursadda la dagaallanka Fayraska Koroona looga faa’iidaysto joojinta sigaar nuugista, iyo in shirkadaha sigaarka soo saaraa ay joojiyaan soo saaristiisa iyo guud ahaanba iibinta waxsoosaarka buurrigu ku jiro. Arrintaas ayaa ay sheegeen in ay gacan ka geysan doonto xakamaynta khatarta xanuunka Covid-19.

Jimciyadda caalamiga ah ee la dagaallanka Qaaxada iyo xanuunnada sambabada ku dhaca, oo ah dallad kulmisa khubaro caalamiya oo ku xeeldheer xanuunnada ku dhaca habdhiska neefsiga, iyo sambabada iyo masuuliyiin ka tirsan hay’adaha caafimaadka ayaa sheegtay in ay walaac xooggan ka qabto raadka uu xanuunka COVID-19 ku yeelan karo dadka sigaar nuugga ah ee adduunka oo tiradooda lagu qiyaaso 1.3 Bilyan oo ruux. Gaar ahaan kuwa ku nool dalalka saboolka ah oo nidaamkooda caafimaadka uu culays badani saaran yahay.

Xeeldheereyaasha caafimaadka ayaa isku raacsan in sigaar nuugistu ay daciifiso habdhiska difaaca jidhka, una nuglayso raadadka taban ee xanuunnada caabuqa caabuqa keena. Waxa kale oo ay u badan tahay in qofka sigaar nuugga ahi uu sidiisaba u qabo xanuunnada sambabada, ama in awoodda shaqo ee sambabkiisu ay hoosayso, taas oo aad u sii kordhinaysa khatarta ah in ay ku dhacaan xanuunada khatarta ah iyo in ay u adkaysan waayaan.

Wakaaladda midowga Yurub u qaabilsan la dagaallanka cudurrada ayaa iyada oo ka duulaysa daraasado cilmiya waxa ay hore u sheegtay in sigaar nuugistu ay qofka u nuglayso khataraha ka dhalan kara Fayraska Koroona. Warqad qiimaynta Fayraska Koroona ah oo ay soo saartay xarunta Midowga Yurub u qaabilsan la dagaalanka xanuunnada iy oka hortaggooda ayaa ay ku sheegtay in dadka sigaarka nuugaa ay ka mid yihiin dadka ugu nugul in uu ku dhaco COVID-19.

Xaruntu waxa ay sheegtay in warbixinaha ka soo baxaya dalka Shiinuhu ay muujinayaan in boqolkiiba 80 dadka uu ku dhacay Fayraska Koroono, uu ku keenay xaalad aad u fudud, oo aan naftiisa ah looga baqayn, halka dadka reer Yurub ee uu xanuunku ku dhacay tiradaasi ay hoos ugu dhacday boqolkiiba 70, iyada oo boqolkiiba 30 ay u baahdeen in cisbitaal la geeyo.

Wakaaladdu waxa ay soo qaadatay Cilmibaadhis ay sameeyeen dhakhaatiir u dhashay dalka Shiinaha oo sheegaysa haddii Koroona Fayras uu ku dhaco dadka sigaarka sida aadka ah u nuugga, in ay khatar weyn u yihiin in ay u dhintaan, iyada oo cabsida dhimashadaasi xitaa ka badan tahay cabsida laga qabo in xanuunku dilo dadka da’doodu aad u weyn tahay, ee dabcan aan sigaarka nuugin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here