Awoodda Xakamaynta Nafta: Soo Koobidda Buugga Dr. Ibraahim Fiqi (Q:5aad)

0
1508

Waa qayb ka leo o ka mid ah taxanaha soo koobidda buugga Awoodda xakamaynta nafta’ee uu qoray Ibraahiim Fiqi (AHUN).

Qaybtan oo dhinaca buugga ka ah qaybta saddexaad waxa uu qoraagu ku eegayaa habka aynu eegno dhacdooyinka innagu xeeran ama aynu la kulmaynaa in ay aasaas u yihiin sarraynta qofka.

Deymo togan oo aad wax kasta ku eegtaa waa jidka aad u marayso mustaqbal ka fiican sida hadda. Ma’aha ujeedada u dambaysa ee ay tahay in aad gaadho, laakiin waa jid nololeed. Waxyaabaha ay wadaagaan inta badan ee dadka nolosha guusha ka sameeyey, waa in ay ka siman yihiin in wax kasta ay aragti togan ku eegaan, iyo in aanay xoogga saarin ka fikirka guuldarrada ima karta, balse ay eegaan guusha ay samayn karaan. Ma’ baadhaan sababaha wax u dhaceen, balse waxa ay ka fikiraan xalka waxa dhacay lagu dhammayn karo.

Qofku miyuu beddeli karaa qaabka uu wax u arko?

Runtii, haa waa uu beddeli karaa. Sida aad arrimaha kugu xeeran u eegayso ama u qiimaynaysaa waa sida aad adigu doorato uun. Imika adiga ayaa awood u leh in aad qoraalka hadalladan u khushuucdo iyo in aad tirtiro oo aad arrintiisa sidaas ku illowdo. Caalimkii Albert Einstein, ereyada dhaxagalka noqday ee laga reebay waxaa ka mid ahaa, ‘Qofka iimihiisa runta ah waxaa lagu qiyaasaa, illaa heerka uu xor ka yahay xakamaynta uu isagu naftiisa ku hayo.

Dawada

Si aad u xoojisa awoodda ay naftaadu u leedahay in ay si sax ah oo badqabta u aragto waxyaabaha nolosheenna ku xeeran. Waxaa uu Ibraahiim Al-Fiqi ku talinayaa in aynu ka dheeraanno shan shay oo taban:

  1. Canaanta:

In aad dadka canaanato, ama eedayso duruufta sababta wax in ay dhaceen, ama go’aamada la qaatay, haddii kale ee dembiga oo dhan u xambaariso qaddarka Alle. Waa in aad joojiso canaanta aad cid kale ama meel kale saarayso oo aad adigu qaadato masuuliyadda noloshaada.

In aad meel kale canaanta qaladka ama fashilaadda saartaa waxa uu kaa xidhayaa isticmaalkii aad awoodahaga dhabta ah adeegsan lahayd.

  1. Isbarbardhig:

Dabeecadda aadamaha ayaa u janjeedha in qofku uu naftiisa ku dhereriyo dadka kale, taasina waa qalad aad u weyn. Waa in aad isbarbardhigto halka aad joogto maanta iyo halka aad joogtay ama sida aad ahayd labaatan sano ka hor, toban sano ka hor iyo shan sano ka hor. Sida oo kale qiimee sida aad noqon karto ama halkaad joogi doonto shan sano kaddib, toban sano kaddib iyo labaatan sano kaddib.

  1. Tagtadii oo lala noolaado:

Guuldarrooyinka aynu hore ula soo kulannay ha noqdaan shamac aynu ku ifinno jidka guusha. Waa in aynaan ku joogsan guuldarradii hore inoogu dhacday. Balse balse aynu ka gudubno oo aynu haddana bilowno isku dayo mustaqbalka aynu samayno oo guulaysta.

  1. Dhalleecaynta:

In aad dadka kale dhalleecaysaa waxa ay aburutaa dareen taban oo adiga iyo dadka kale idinka dhex abuurma. Inta aanad qof naqdiyin, waa in aad xoogga saarto meelaha togan ee uu ku fiican yahay iyo dhinacyada uu u xooggan yahay. Qofka dadka kale si dhibirsan ula dhaqmaa in badan ayaa uu hore u socdaa.

  1. Aniga:

Naftaada ha ka dhigin mid mar kasta aad ka soo horumariso wax kasta oo kale. Is bar dabeecadda ah in aad nafaha kale iska horreysiiso, waayo Anigada badani waa xanuun. Dr. Ibraahiim Al-Fiqi oo arrintaas ka hadlayaa waxa uu buuggiisan ‘Awoodda xakamaynta nafta’ ku sheegay in laga fogaado isticmaalka ereyga ereyga ‘Aniga’. In lagu talaxtago deeqsinimada iyo in dadka wanaaggooda laga sheekeeyo, laguna dadaalo Isticmaalka ereyga adiga.La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here