Sidee Loo Dilay, Yaase Dilay Hoggaamiyihii Al-Qaaciida Ee Bariga Afrika Fasul Cabdallah?

0
791

 

dilHargeysa(Geeska)-Dhawaan waxa magaalada Muqdisho lagu dilay hoggaamiyihii bariga Afrika ee shabakadda Al-Qaaciida Fasul Maxamed Cabdallah oo loo haysto qarxinta safaaradihii Maraykanka ee Tansaniya iyo Kenya oo ay boqolaal qof ku dhinteen.

Maraykanku, waxa uu madaxa ninkan dul dhigay 5 milyan oo dollar, waxaanu ahaa ninka bariga Afrika loogu doon doonista badanyahay. Haddaba sidii loo dilay iyo weliba askarigii dilay waxa warbixin ka diyaarisay wakaaladda wararka ee AP, warbixintii oo aanu idiin soo koobnayna waa tan. “Gaadhis Surf ah oo madoow ayaa jiidhay kaantaroolka magaalada Muqdisho. Waxay ahayd habeen, 22 jir askari Somali ah Mr. Cabdi Xasan ayaa darawalkii baabuurka faray inuu bakhtiiyo laydhka oo uu shido nalka gudaha.

“Waa Odayaashii.” Ayuu darawalkii ku yidhi askariga iyadoo uu baabuurka saaranyahay nin ay dawladda Maraykanku muddo dheer ku taamaysay. “Ma garanayo odayaasha.” Ayuu askarigii ugu jawaabay, iyadoo darawalkiina uu ogaaday inaanu si fudud ku dhaafi karin kaantaroolkan.

Joojintaasina waxay sababtay toogasho lagu khaarajiyay Faasul Cabdallah Mohamed, ninka loo haystay inuu qorsheeyay weerarkii safaaradahihii Maraykanka ee ay ku dhinteen 224 ruux.  Wakaaladda wararka ee AP waxa ay la kulantay oo u waramay askarigii Fasul Cabdallah dilay oo lagu magacaabo Xasan oo aan qaadan lacagtii abaal marinta ahayd ee uu Maraykanku hore u sheegay inuu siin doono cidda ninkaas xataa war ka keenta, sababta uu lacagtaas u heli waayayna waxa weeye sharciga Maraykanka oo dhigaya inaan la siin doonin cidda dawlad u shaqaysa, Xasana waa nin nasiib xun oo wuxuu u shaqeeyaa dawlada tamarta daran ee Sheekh Shariif. Sidaas daraadeed ma helin lacagtaas oo ah 5 Milyan oo dollar.

Aynu sheekadii ku noqonee, darawalkii gaadhigu markii uu arkay inaanu si fudud ku dhaafi karin Kantaroolka wuxuu aqbalay amarkii Xasan, waxaanu shiday laydhkii gudaha. Markii uu Xasan gudihii gaadhiga eegayna wuxuu arkay baastoolad uu darawalku dhinaciisa xuluuliyay iyo qori AK 47 ah oo yaalay dhabta nin darawalka dhinac fadhiyay. Ninkaasi markii la aasay waxa la ogaaday inuu ahaa Fasul Maxamed Cabdallah oo loo haystay qaraxii safaaradihii Maraykanka ee Kenya iyo Tansaaniya islamarkaana ah ninka uu maraykanku ugu doon doonka badanyahay bariga Afrika. “Ha dhaqaajin qorigaaga.” Ayuu Xasan ku yidhi ninkii, isagoo qorigiisa ku jeediyay ninka qorigu dhabta u saarnaa. Qof kale oo baabuurka saarnaa ayaa darawalka ugu baaqay inuu baastooladiisa ku toogto Xasan, laakiin Baastooladii way kadibtay, askarigii Xasana wuxuu 30-kii xabadood ee qorigiisa ku jiray ku afuufay gaadhigii surfta ahaa, waxaanu toogtay Fasul Cabdallah iyo darawalkiiba. Xasan wuxuu sheegay in markii ay wax dhaceen uu arkay baabuurka surfta albaabkiisa dambe oo furan, taas oo xoojinaysa warar la isla dhex marayay oo sheegayay inay jirto cid baxsatay.

Ninka la dilay wuxuu ku magacownaa hoggaamiyaha Al-Qaaciida ee bariga Afrika, waxaanu u dhashay jasiirada Komoros, waxase shandad laga helay gaadhiga ku jirtay basabor koonfur Afrika ah oo uu qaatay, waxaanu Maraykanku madaxiisa dul dhigay 5 milyan oo dollar. Laakiin askariga hawsha fuliyay waxba lama siinin, “Waxaan ku faraxsanahay inaan rabshad wadihii dilay.” Ayuu yidhi Xasan oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP.

Xasan oo sheegay inaanu weligii dugsi waxbarasho tagin, wuxuu sheegay inuu baabuurkaasi kaantaroolka istaagay saqdii dhexe ee 7 June, waxaanu baabuurka ku joojiyay nalka ka baxa telefoonkiisa gacanta, kaantaroolkuna ma laha wax dayr ah, waxaanu darawalku isku dayay inuu baxsado laakiin rasaasta lala beegsatay ayaa u diiday inuu fakado. Somaliya waxa ay dagaal ku jirtay labaatankii sannadood ee u dambeeyay oo ay kooxo kala duwani ka talinayeen, geeriduna waa lama huraan.

Askari kale oo ay Xasan saaxiib yihiin laguna magacaabo Cismaan Nuur Diiriye, ayaa isna wakaaladda AP u xaqiijiyay xogta uu Xasan bixiyay. Waxaana shandadii Fasul Cabdallah laga helay lacag gaadhaysa $ 40,000 oo dollar.

Baabuurkii Fasul Cabdallah iyo darawalkiisa lagu dilay wuxuu goobtii yaalay ugu yaraan sideed saacadood hawlgalka ak dib ilaa ay ciidamada amaanku soo gaadheen. “Taliska ayaa nagu amray in la sugo ilaa duhurnimadii.” Ayuu Xasan yidhi.

 

Maydadkii waa la aasay, masuuliyiinta Somaliduna waxay sheegeen in Fasul Cabdallah haystay dhalashada Koonfur Afrika sida ku cad basaborka uu sitay. Masuuliyiintii waxay baadheen baabuurkii, waxaanay ka heleen telefoono gacmeed oo dhawr ah, afar shandadood oo ay ku jireen buugaag iyo dhukumentiyo kale, saddex qori, baastoolad iyo mindiyo. Waxa suurtogal ah inay dawladda Sheekh Shariif ee tamarta darani ay dilka ninkan taageero kaga hesho wadamada reer galbeedka.”