Guddoomiye-xigeenkii Maleeshiyaadka SSC Oo Is Casilay Dhaqale Xumo Darteed

1
895

 

sscHargeysa(Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka kooxda  nabad diidka ah ee SSC, Cali Sabaray, ayaa sheegay inuu xilkii maleeshiyaadkaas iska casilay isagoo sheegay inay burbur qarka u saarantahay.

Calisabaray waxa uu sheegay in uu daalay oo uu doonayo in cid kale kala wareegto xilka uu ka hayo SSC, waxaanu xusay inay dhaqaale xumo soo waajahday kooxda SSC.

Ku xigeenka horjoogaha oo ku sugan magaalada Buuhoodle waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay warbaahinta Internetka ee taageerta, “Dagaaladii aanu ka wadnay way hakadeen sababo dhaqaale xumo, sidoo kale ciidamaddii Somaliland aad iyo aad ayay isku soo xoojiyeen oo waxay soo degeen degmada Widhwidh waxaana yimid afar guuto ilaa Laascaanood-na aad ayay u joogaan ciidamo degaanka ah waa lagu kordhiyay. Halgankii aanu wadnay waxa soo foodsaaray dhaqaale xumo, iyo masuul xumo,” waxaanu intaas raaciyay “Maamul Xumaddu waxay ka jirtaa maleeshiyada oo aan habaysanayn maamulkii oo kala maqan.

Cali Sabarey waxa uu sheegay in uu daalay oo aanu sii wadi karin maamulka kooxda SSC waxaanu yidhi “Anigu waxaan qabaa in isbedel la sameeyo ciidanka Somaliland-na si adag ayuu iskusoo xoojiyay sidaasi darteed. Shakhsi ahaan waxaan jecelahay in cid kale maamulka gacanta ku dhigto anigu waanu daalay muddooyin adagna waanu, soo marnay.

 

Comments are closed.