Sidee Aad U Noqon Kartaa Ruux Bisil Oo Noloshiisa Hanan Kara, Si Tolmoonna U Fikiraya (2)

0
854

Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxa ay bixinaysaa talooyin muhiim ah oo qofka raaca ka caawin kara in uu noqdo ruux bisil, naftiisa hanan kara, is-xakamayn og oo jawaab-celin caafimaad qabta

4. Baro sida loo doodo: In qofku doodda u bisil yahay waxyaabaha lagu garto waxaa ka mid ah, in aanu qaylin, in aanu cadhoon inta dooddo socoto iyo in uu naftiisa xakamayn karo oo erey kastaa inta aanu afkiisa ka soo bixin uu garan karo saamayn taban iyo mid togan ka uu yeelan karo, tusaale ahaan in aanu ereyo xun, aflagaado ama meel ka dhac iskaga dhawaaqin. Qofka bisil waa in uu awood u leeyahay in doodda uu ku jiro uu u maamulo si deggen oo ilbaxnimo sare ka muuqato. In aanu wax kasta oo uu maqlay iskaga doodin ee erey kastaa uu noqdo mid uu xujo iyo caddayn u hayo, sidoo kale aragtida uu ku adkaysanayaa in ay noqoto mid cilmi ku fadhida. Waa in uu noqdaa qof maskax furan oo awood u leh in uu aqbalo aragtida dadka kale, haddii uu ku argo run iyo saxnaan.

5. Shucuurtaada xakamee: Sifooyinka shakhsiga ah waxaa ugu muhiimsan in qofku uu noqdo qof awood u leh in uu jawaab-celintiisa xakamayn kara. Iska jir in cadhadu kaa xoog badato oo ay dibadda soo dhigto shucuurtaada runta ah. Ku dadaal in jawaab celintaadu noqoto mid miisaaman, oo u qalanta munaasabadda iyo qofka aad la hadlayso labadaba. Iska jir cayda iyo aflagaadada, gaar ahaan marka qofka aad la doodaysaa uu isku dayo in uu sanka ku taabto (Kaa cadhaysiiyo) ama wax uu og yahay in aad ka xumaanayso uu si badheedh ah u sameeyo.

Ilbaxnimadu waa in aad qofka si deggen ugu sheegto waxa aad diiddan tahay ama kaa cadhaysiinaya, haddii uu ku sii socdana si dhibyar uga ag fogow, hana siinin fursad dambe oo uu arrintaas ku cabbiro.

6. Jidka noloshaadu marayso adigu taladeeda gacanta ku hay: Waxaa waajib ah in aad noqoto ruux awood u leh in uu qaato go’aamada naftiisa khuseeya, si maamulidda jidka noloshiisu maraysaa aanu gacantiisa uga bixin. Qofka bisil waa kana an ka baqan go’aanka uu qaato wax aka dhalan kara ama natiijada ku lammaanaan karta. Keliya si fiican u fikir, dhammaan talooyinka lagu siiyo iyo kuwa maankaaga ku jira si fiican u eeg, mid midna u qiimee, illaa ay kuu suurtogasho in aad ka aad isleedahay wuu ugu habboon yahay doorato.

Waa arrin caadi ah in aad qoyskaaga iyo saaxiibbadaa cidda aad doonto kala tashato, laakiin waa in aad niyadda ku hayso in go’aanka ugu dambeeya ee aad qaadanaysaa uu noqdo ka ay naftaadu ku qanacsan tahay in uu saxdii yahay, xitaa haddii uu ka hor imanayo qaar badan oo ka mid ah talooyinkii muhiimka ahaa ee lagu siiyey. Waayo ugu dambaynta go’aankani adiga ayuun baa uu ku khuseeyaa dhib iyo dheef wixii ka dhashana la noolaan doona. La soco…