Madaxweyne Siilaanyo Oo Shaahadooyin Guddoonsiiyay Dugsiga Abaarso

0
504

Picture1Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Wasiiirka Waxbarashada Faarax Cilmi Maxamuud, ayaa maalintii Axaddii, August 16 keedii qasriga Madaxtooyada ku gudoonsiiyay Dugsiga Abaarso ee Cilmiga Sayniska iyo Teknoolijiyada shahadooyin sharaf dhawr ah.

 Cabdisamad Muxiyadiin Aadan oo ah arday ka qalinjabiyay Dugsiga Abaarso ayaa ku kasbaday shahaado sharaf dadaaalkiisii waxbarasho iyo inay aqbashay Jaamacada Harvard. Waxbarshadiisa Jaamacada Harvard  ayaa lagu qiyaasay inay ku baxayso qiimo dhan $250, 000.  “Waxaan aad ugu faraxsanahay aqoonsiga Madaxwaynaha, Wasiirka iyo kelmadahii diirana ee  hambalyada xambaarsanaa,” ayuu yidhi Cabdisamad isaga oo intaa raaciyey “Mar haddii arday fara badani aniga iga horeeyeen oo jaamacado heleen, qaarna iga danbeeyaan, waxaan kalsooni ku qabaa inaanu dalka wanaag ugu maqanahay. Waanu ognahay in adeega dalku waajib nagu yahay oo anay ahayn doorasho.” Dugsiga Abaarso ayaa sidoo kale ku helay Shahaado Sharaf u adeega iyo u heelanaanta bulshada iyo wadanka. Kaaliyaha Maamulaha Dugsiga Abaarso, James Linville ayaa u guddoomay shahaado sharafta Dugsiga Abaarso.“ Waxaan ku mahadinayaa Madaxaweynaha iyo Wasiir Farah aqoonsiga ay siiyeen waxtarka Dugsigu Abaarso u leeyahay bulshada” ayuu yidhi Jonathan Starr, Asaasaha iyo Maamulaha Dugsiga Abaarso.  Jonathan waxuu intaa ku daray “Mar haddii dawladdu taageerayso Dugsiga islamarkaana ay ka qalinjebinayaan Abdisamad iyo arday la mid ahi mustaqbalku waa mid iftiimayaa.” Lixdii sannadood ee Dugsigu shaqaynayey waxaa 60 arday loo direy dugsiyo,kuliyado iyo jaamacado inta ugu badan Maraykan ku yaalaan.  Ardayda Abaarso waxay qiyaas ahaaan heleen 10 malyuun oo doolar oo ku baxayso deeqahooda waxbarasho.

Himilada Dugsiga Abaarso waa in la barbaarriyo hablo iyo wiilal tacaliin ahaan, aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaan dhisan si ay u hormariyaan dadkooda.