Sidee Aad U Noqon Kartaa Ruux Bisil Oo Noloshiisa Hanan Kara, Si Tolmoonna U Fikiraya (1)

0
615

Picture10Hargeysa (Geeska)- Shaki kuma jiro in marxaladda carruurnimo ay ka mid tahay marxaladaha ugu wanaagsan ee uu aadamuhu soo maro, ma’ laha xakame iyo xisaab ama masuuliyada cusub oo farxadda u diidaa, keliya waa cun oo ciyaar. Laakiin suurtogal ma’aha in marxaladdaasi ay waarto, qof kastaana isaga oo aanay cidi kala tashan, doonistiisa iyo diidmadiisa midna iyada oo aan loo eegin ayaa haddii wad daayo ay da’du isguraysaa, illaa uu noqdo qof bisil oo fikir iyo aragti looga fadhiyo. Koritaanka saxda ahi ma’aha ka jidhka oo keliya ah, balse waa ka uu caqligu la koro da’da qofka, barbaarinta iyo edbintuna kuma joogsato ta caruurnimada ee waalidka laga rabo, balse waxaa waajib ah in qofku uu si joogto ah naftiisa u siiyo duruus edbin ah iyo barbarin uu naftiisa iyo akhlaaqdiisa ku sameeyo, si uu u yeesho awood uu ku xakamayn karo jawaab-celintiisa, fikirkiisa iyo hab-dhaqankiisa.

Si kastaba ha ahaato ee marxaladaha kala duwan ee dhinaca tarbiyada iyo bisaylka uu aadamuhu u maro waxaa ugu adag ta kala guurka ah ee u dhexeysa marxaladda carruurnimo iyo marxaladdaa bisayl, waxaa ku adkaata in uu iska reebo raadka carruurnimo oo uu bulshada ku dhex joogo qaan-gaadhnimo dhinaca maskaxda ah. qormadan uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxa ay bixinaysaa talooyin muhiim ah oo qofka raaca ka caawin kara in uu noqdo ruux bisil, naftiisa hanan kara, is-xakamayn og oo jawaab-celin caafimaad qabta bixin kara.

1. Aragtidaadu ha noqoto mid waaqaca aad joogto la jaanqaadaysa:

Carruurnimadu waxa ay caan ku tahay riyo maalmeed ilmaha u sawirta nolol ubax keliya la arkayo, ilmo kastaa waxa uu si farxad leh ula nool yahay duni wada khayaali ah oo uu isu arko in uu yahay halyeey iyo geesi aan hortii la arag mid u dhigma, ama uu u macaamilo sida amiirrada dunida uu sawirayo filimka carruureedka Disney. Laakiin runtu taas aad ayaa ay uga fog tahay, sidaa awgeed waxa qasab ah in aragtida aad nolosha ku eegaysaa ay noqoto mid waaqaca iyo runta hortaada taalla ka duulaysa. Cidi kaama doonayso in aad faraha ka qaaddo himiladaada iyo riyadaada laakiin waxa aad ogaataa in aad joogto waqtigii aad cagaha si buuxda inta aad dhulka u dhigto bilaabi lahayd xaqiijinteeda, adiga oo duruuftaada runta ah og. “Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo”

2. Muuqaaga duleed danee:

Xilliga carruurta dan kama gashid waxa aad ku labbisanayso, keliya waxaa muhiim kuu ah in aad faraxsan tahay, laakiin marka aad jaamacadda gasho ama shaqo tagto waxaa qasab ah in dharka aad xidhanaysaa ay noqdaan kuwo kuu qalma, haddii kale dadka oo maangaab isaga badan ayaa kuu malayn doona in aad tahay ruux aan weli caqli ahaan bulshada soo dhex geli karin, waxa aanad arki dad badan oo aan kuuba arkayn in aad u qalanto mustawaha runta ah ee aad nolosha bulshada ku leedahay.

3. Naftaada ku kalsoonoow:

Waxa aad ku dadaashaa in naftaada aad ku beerto kalsooni, shakhsiyaddaada intii suurtogal ah aad ku qanacdo. Cidina ma’ jecla mana danayso ruux walaac badan oo aan hal-adayg lahayn. In aad noqoto ruux naftiisa ku kalsoon waxa aad ku kasbanaysaa ixtiraamka dadka iyo in ay iyaguna kugu kalsoonaadan. Laakiin ogow in ay kala duwan yihiin naftaada oo aad ku kalsoonaato iyo indho-adayga akhlaaqadaada dhaawacayaa. La soco…