Wasiir Sacad Cali Shire Oo Ka Waramay Abaaro Ka Jira Deegaano Uu Kormeer Shaqo Ku Tagay

0
513

Picture1Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Qorsheynta Somaliland Sacad Cali Shire ayaa waxa uu ka hadlay Safar uu dhawaan ku tagay Gobolada Galbeedka Somaliland ee abaaruhu ka dhaceen, waxaanu sheegay Deegaanadaas uu tagay ee Abaaruhu ka dhaceen in xaalada dadka iyo Xooluhuba ay aad u liidato.

Wasiirka Qorsheynta Somaliland Sacad Cali Shire oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika wuxuu sheegay inay abaar baahsan oo dad iyo duunyo ah soo arkeen, ugu horayn isagoo ka waramaya socdaalkaas  wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Halkan waxa aanu kaga baxnay Saddex Wefti, midi waxa uu ahaa Wefti ka horeeyey Raashin ay qaabinaysay Hay’adda Khaliifa Foundation, oo laba kun oo qoys loogu talagalay, markaana Toban Gaadhi la saaray iyo Wefti la socday Baabuurta oo Raashinka qaybinaysay, oo ka mid ahaa khaliif Foundation, iyo anaga oo ah Wefti la  socday Wefti ka socda Ururka Wadamada Islaamka ah iyo Hay’ad khayriya oo loo sameeyey ururinta deeqaha  iyo caawinta dadka Soomaaliyeed ee tabaaloobay,markaas anaga weftigaygu waxa aan ka baxnay Magaalada Hargeysa, waxa aanu marnay jidkan mara Darasalaam,Agabar,

Waraqa Dhigta, Cali Xaydh, Garbadadar, ilaa Geerisa ayaanu soconay, ujeedadayduna waxa ay ahayd in aanu Weftiga soo tusno xaalada abaaraha”. Wasiirka Qorsheynta ayaa mar uu ka hadlaayey xaalada ay ku soo arkeen dadkii ay Abaaruhu sameeyeen waxa uu yidhi “Intaas aanu soconay waxa aanu aragnay sida ba’an ee Abaartu u sameeysay dadka iyo dalkaba, inkastoo Buurta Roob uu ka da’ay, balse Roobkaasi wuu cusbaa oo wax doog ah muu soo saarin, guud ahaan laakiin dhulku abaar ayuu ahaa, dhirtuna wey qalashay, inkasta oo dadku reer miyigu aanay lafo ahayn haddana nafaqo daro ayaa ka muuqatay, inta badan Xooluhu caato ayey ahaayeen, markii aanu tagnay dhinaca Xeebta, Garbadadar iyo Geerisa, waxa la noo sheegay in muddo saddex sanno ah aanu rooba ku tiixin, Xooluhuna xoog u dhimanayaan, waxa aanu soo aragnay raq badan oo Geela, Adhiya, xitaa raq Ugaadh ah ayaa nala soo tusay, dadku waxa ay yidhaahdeen abaaruhu marka ay yimadaan waxa ugu adkaysi badan Geela iyo Ugaadha, balse imika Geelii iyo Ugaadhi ayey Abaartu sameeysay, markaas dad badan oo abaartu sameeysay oo soo barakacay oo Magaalooyinka yimidna waanu aragnay, markaas Dadkaasi waxa ay ahaayeen dad u baahan gargaar deg deg, ah markii raashinka loo qaybinayeyna waxa la maray laba Waddo, oo kala ah Cali Xadhayd iyo Dawga Cad, Raashinka loo qaybiyeyna waa dhib badan weyn ku dhacday, waxaana wanaagsan inaynu talo ka yeelano sidii dadku adkaysi ugu yeelan lahaayeen, iyo sidii dadka horumar loogu sameeyn lahaa Beeraha iyo Kalluunka, iyada oo qofkii Kalluunkii iyo Baddii wax yar u jiraan ayuu haddana gaajoonayaa, waxaanay ay dadku lahayn farsamadii ay kula soo bixi lahaayeen, waxaana wanaagsan sidii looga sii gaashaman lahaa Abaaraha”.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa mar uu ka hadlaayey Cimilada Adduunka ee is badashay ayaa yidhi “Abaaraha weynu lahaan jirnay, oo magacyo ayey lahaan jireen, oo tobankii sannaba mar ayey ina soo mari jirtay, balse imika saddex sannaba mar ayey ina soo martaa, oo 2011-kii Wadanka Abaar baa ka dhacday, waxaana u malaynayaa inay cimiladii  is badashay, Sannadkana waxa uu ahaa Sannadkii ugu kululaa Caalamka inta taariikhda la hayo, oo Yurub ayey xaraaradeedu gaadhaysaa afartan, oo qaboobaa,   Cilimiladan is badashayna sameeyn ayey inagu leedahay”.