Sidee Aad Ku Garan Kartaa Barnaamijyada Been Abuurka Ah Ee Aad Talefankaaga Ku Soo Dejinayso

0
653

Washington (Geeska)- Waxaa jira barnaamijyo aad u tiro badan oo ku shaqeeya talefannada casriga ah, kuwaas oo badankoodu waxtar leh, isla markaana ah kuwo run ah, laakiin waxaa jira boqollaal barnaamij oo iyaguna ah kuwo been abuur ah oo kuwo kale oo jira loo ekeysiiyey, kuwaas oo marka aad aragto aad u qaadanayso in ay yihiin kuwii saxda ahaa.

Barnaamijyadan oo qaarkood lacag jaban yihiin ayaa laga yaabaa in marka aad iibsato ee aad lacagta shubto aad ogaato in ay yhiin weel madhan, ama barnaamij aan faa’ido lahayn oo keliya loo abuuray in dadka lacag lagaga urursado.

Dhibaatadani ma haysato barnaamijyada iOS iyo Android talefannada oo keliya, balse waxa la qaba xataa qalabka aan talefannada ahayn ee ay ka mid yihiin kuwa ku shaqeeya Windows ka iyo MAC OS..

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Shabakadda Aljazeera ayaa lagu sheegay in Tim Lawter oo ka tirsan Daladda xogta Tiknoolajiyadda ee Jarmalka oo magaceeda loo soo gaabiyo Bitcomm in uu ka warramay sida ugu dhow ee uu qofku ku kala garan karo barnamaijka been abuurka ah iyo ka runta ah, ka hor inta aanu ku soo dejin Talefankiisa, kombiyuutarkiisa ama qalabka kale ee uu isticmaalayo iyo ka hor inta aanu lacag iskaga bixin.

Tim waxa uu sheegay in si xeeldheer loo dhugto calaamadda shirkadda samaysay barnaamijkan ee ka muuqata iyada oo la barbar dhigayo calaamadda caadi ahaan shirkaddu leedahay, oo dabcan internet laga helayo. In kasta oo ay calaamaduhu isu eeg yihiin haddana waxaa in badan aragtida lagu kala saari karaa kala duwanaanshiyo u dhexeeya calaamadda rasmiga ah iyo tan la been abuuray.

Waxaa iyadana dhacda in uu jiro kala duwanaanshiyo aad u yar oo inta badan u dhexeeya magaca saxda ah ee shirkadda samaysa barnaamijka iyo magaca been abuurka ah ee loo ekeysiiyey kii shirkadda. Tusaale ahaan waxa aad ku arkaysaa qalad dhinaca qoraalka ah oo lagu sameeyey magaca shirkadda.

Waxa ay khubaradu sheegayaan in ay muhiim u tahay in barnaamij kasta inta aanad soo dejisan aad ogaato shirkadda samaysay iyo waxa ay tahay runteedu iyo in uu sax yahay sida ay magaca iyo calaamadda shirkaddu leedahay ugu dhigan yihiin barnaamijkan aad soo dejisanayso, si loo ilaaliyo badqabka qalabka iyo weliba amniga xogta qofka ee ku jirta.

Waxa ay xeeldheerayaasha xogta tiknoolajiyaddu si adag ugu talinayaan in barnaamijyada ku jira qalabkaaga ee aanad isticmaalin ama garanayn sida loo isticmaalo aad iska tirtiro, xitaa haddii aad hubto in ay yihiin kuwo aan wax dhibaato ah u keenayn barnamaijka, waayo ugu yaraan waxaa muhiim ah in aad ogaato in cidda samaysay aanay faa’ido la’aan ugu talogelin ee si uun ay uga dheefayso, oo haddii ay ugu yar tahay ay basaasayso xogta qokfa, mararka qaarkoodna ay dhacdo in xogo muhiim ah ay ku xadaan kadibna qofka ugu hanjabaan in ay faafinayaan haddii aanu lacag bixin. Weliba waxaa muhiim ah in marka aad iska tirtirto barnaamij been abuur ah ama aanad garanayn ama xitaa aad garanayso oo aan faa’ido kuu lahayn, isla markaana aan ahayn barnaamijyada rasmiga ah ee qalabka ku jiray bilowgii, in aad talefankaaga/qalabnkaaga dib u tirtirto / dib u soo bilowdo adiga oo ku celinaya sidii uu ahaa markii aad iibsatay ama sidii warshaddu u samaysay. Waayo barnaamijyada qaar ayaa awood u leh in marka la tirtiro ay dib isugu soo shubaan talefanka ama qalabka kale ee laga tirtiray.