Sidan Ayaa Aad Ku Ogaan Kartaa Sida Uu Coodh-Coodhku U Gelayo Wejigaaga Marka Aad Gabowdo

0
654

Washington (Geeska)- Waxaa laga yaabaa in dad badani la yaabeen markii xiddigta talefishanka ee Kim Kardashian ay sheegtay in ay hadda kadib iska ilaalin doonto dhoolla caddaynta xilliga sawirrada laga qaadayo, si aanay ugu sababin coodh-coodh, laakiin marka aad daraasaddan akhrido waxa aad ugu yaraan fahmaysaa sababta ku kalliftay arrintaas.

Cilmibaadhis uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay oo lagu baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa shaacisay in xarakaadka wejigu uu sameeyo ee ay dadku dareen ama hadal ku cabbiraan, sida dhoolla caddaynta, sunnayaasha oo dadka qaar caado ka dhigtaan in ay kor u qaadaan, afkaba oo inta la duubo kor loo soo taago iwm ay aakhirka marka uu qofku gaboobo saamayn ku yeeshaan qaabka wejiga.

Warbixin lagu daabacay wargeyska Daily Mail ayaa sheegaysa in dadka inta badan dhoolla caddeeya ay yihiin kuwa marka ay da’du hesho ugu badan ee lagu arko coodh-coodhka indhaha hareerahooda ah, sababtuna tahay muruqyada tirada badan ee dhoolla caddayntu dhaqaajiyo, sidoo kale dadka iyagu gacantooda isku sawira talefanka gacanta (Selfie) ee weliba afka yara kuusa, ayaa iyagana la sheegay in marka ay gaboobaan afkooda hareerihiisu yeesho coodh-coodhka lagu yaqaanno dadka iyaguna sigaarka cabba, waxaa iyaguna la mid ah dadka inta badan sharaabka ama biyaha ka cabba caagadaha ama quraaradaha afka yar ee mudo caadaysta.

Dhinaca kalana waxa ay khubaradu sheegeen in dadka marka ay wax akhriyayaan ama talefishanka daawanayaan wejiga ururiya inta badan lagu arko coodh-coodhka oo ka gala sunnayaasha, oo gudaha oo dhinaca indhaha ah isugu soo urura marka uu qofku weynaado ama laba xariijimood oo u eeg lambarka 11 oo kaga samaysma labada indhood dhexdooda oo yara sarraysa. Dadka iyaguna dhaqaajiya dhabannada qaybta sanka xigta ayaa lagu arkaa coodh-coodh u eeg ka uu caanka ku yahay bakayluhu, ee ah xariijmo ku yaalla sanka hareerihiisa, waxaa iyaguna la mid ah dadka marka ay si xaqiraad leh qof ugu dhoola caddaynayaan inta ay isku qabtaan afka hoos u celiya diinta hoose oo dibadda u soo yara laaban.

Udu dambayntii waxa ay khubaradu sheegeen in dhaqaaq kasta oo wejigu caadaysto, indhaha, hareerahooda, sunnayaasha, debnaha, sanka, iwm, uu aakhirka muddo kadib noqdo coodh-coodh ama meel uu maro coodh-coodh marka uu qofku weynaado, sidaa awgeed taladoodu waa in la iska jiro guud ahaanba xarakaadka wejiga.