Maalqabeenku Lacagta Uma Kharash Gareeyaan Sida Aynu Moodayno: Caadooyinka Dhaqaale Ee Qaar Ka Mid Ah Maalqabeenka Waaweyn Ee Dunida (Q. 4aad)

0
561

ddddWashington (Geeska)- Waa qaybtii Afaraad ee qormadii uu Geeska Afrika afsoomaaliga u rogay ee soo bandhigaysay hab-nololeedka qaar ka mid ah maalqabeenka dunida ugu caansan iyo siyaabaha ay lacagta u kharash gareeyaan ayaa lagu ogaaday:

8. T. Boone Pickens waa 88 jir ganacsade weyn ah oo u dhashay dalka Maraykanka, waxa aanu madax ka yahay maalgashiga dheeraadka ah ee shirkadda shidaalka ee BP. Thomas Boone oo lacagtiisa ka helay ganacsiga iyo maalgashiga shidaalku waxa uu haystaa lacag dhan hal Bilyan iyo 462 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

T. Boone Pickens oo ka sheekaynayey sida uu uga taxaddaro in kharash badan oo macno la’aan ah isticmaalo ayaa sheegay in aanu ka adeegan meheradaha inta badan loogu talogalay dadka lacagta leh, isaga oo xitaa adeegga caadiga ah ee guriga ka soo iibsada dukaamada iyo booshariyada dadka caadiga ahi wax ka iibsadaan. Waxa uu sheegay in iibka ka hor uu go’aamiyo baahidiisa dhabta ah, kadibna aanu iibsan wax ka badan baahidaa uu xaqiijiyey, iyo in uu mar kasta naqad wax ku iibsado si uu uga taxaddaro in uu isticmaalo kharash ka badan inta markaas jeebkiisa ku jirta ee uu ku soo talogalay.

T. Boone Pickens waxa uu sheegay in uu samaysto miisaaniyad kharash oo uu nafta ku xakameeyo in aanay ka gudbin miisaaniyaddaas, iskana ilaaliyo iibsiga waxyaabaha aan daruuriga ahayn.

9. Elon Musk oo isir ahaan ka soo jeeda dalka Koonfur Afrika balse ah Kanadiyaan Maraykan waa ganacsade weyn, Injineer iyo maagashade caan ah. Waa 44 sano jir, shirkado badan isagu aasaaskooda leh, qaarna madax ka ah, lacagta uu haystana waxaa lagu qiyaaso 12 Bilyan iyo 3 Milyan oo doolarka Maraykanka ah, waxaanu kaalinta 68naad kaga jiraa liiska maalqabeenka Maraykanka.

Elon Musk intii aanu maalqabeenka weyn noqon waxa uu ku dadaali jiray in uu maalintii Hal doolar oo keliya ku noolaado, si uu naftiisa ugu tababaro in ay garato baahideeda runta ah iyo baahida aan daruugi ahayn, iyo si uu mushaharkiisa uga dhigto lacag u suurtogelisa in uu iskii u shaqaysto oo aanu shaqaalenimo mushahar suga ku noolaan abidkii, waxaana muuqata in qorshahaas uu ku guulaystay.

10. Steve Jobs oo ah Maryakan ay iska dhaleen Cabdulladiif Jandali oo u dhashay dalka Suuriya iyo Joanne Simpson oo Jarmal ahi waxa uu noolaa intii u dhexeysay 1955 oo uu dhashay illaa 2011kii oo uu u dhintay cudurka Kansarka. Waxa uu ahaa maalqabeen malagashada tiknoolajiyadda, waxa uu wax ka aasaasay shirkadda weyn ee Apple oo talefannada, kombiyuutarrada iyo aaladaha kale ee ay soo saartaa yihiin kuwa illaa maanta dunida ugu magaca weyn uguna tayada badan. Laakiin waxa uu ka mid ahaa maalqabeenka sida weyn u aaminsan in aanay lacagta badani waxba ka beddelin hab-nololeedkooda caadiga ah, waxa aanu hal-ku-dheggiisu ahaan jiray, “Ha iibsan wax aanad baahi u qabin”

Jobs waxa uu ku labbisan jiray saraawiil Jiinis ah oo nooca qiimahooda caadiga yahay ah iyo funaanado/Garamaan aan qaali ahayn. Nin sheegay in uu raacay beri uu dhar soo iibsanayey Steve Jobs waxa uu sheegay in uu iibsan waayey funaanad kuwa dhaxanta ah oo qaaliya, iyada oo weliba lagu jiro xilli qaboobe ah, sababta uu u iibsan waayeyna ay ahayd isaga oo ogaa in baahida isticmaal ama waqtiyada uu xidhanayaa aanay u qalmin qiimaha laga siinayo. Iyada oo ay sidaas tahay haddana Jobs waxa uu sannadkii mushahar u qaadan jiray Hal doolar oo sababta uu u qaadanayaana ahayd keliya si loogu daro liiska shaqaalaha mushaharka ka qaadanaya kambaniga uu madaxda iyo xaqlaha ka yahay. Job Steve oo weli lacagtiisii shaqayso xaaskiisuna maamusho noloshiisii waxaa hantidiisa lagu qiyaasay in ay ahayd 31 Bilyan iyo 6 Milyan oo doolar. Dhammaad