Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali… (Qaybta 17aad)

0
754

ddddBowden waxa uu sheegay in sawirqaade ka tirsan ciidamada Badda ee Maraykanku uu sawirro ka qaaday nidaamkii bad-ku-xabaaliddu u dhacday. Isaga oo sheegay in ay dhacday dharaar cad oo ah Isniintii ay bisha May ahayd 2da.

Sawirrada la sheegay:

Waa dhab in Bowden uu mar dambe warbaahinta u sheegay in sawiirro laga qaaday habkii ay u dhacday jinaasada Usaama Bin Laadin. Waxa uu ku sheegay muuqaalka mayd ku duuban kafan, oo ku xidh-xidhan qalabka culus ee suurtogeliya in uu dego, si aanu badda u dul sabbayn maydku. Sawir kalena waxaa laga arkayey sida uu sheegay mayd si gudban u yaalla oo sanduuq la dul-saaray barxadda markabka ee ogadiisa sare. Waxaa isna ka mid ahaa sawir laga arkayey wax maydkii u eeg oo badda inta lagu tuuray biyihii ku dhacaya, sawirka xigana waxa uu ku sheegay maydkii biyaha lagu tuuray isaga oo duuban oo sii quusaya biyaha dushooda sarana dhaqaaqa laga dareemayo. Sawirka ku sii xigaana waxa uu ahaa buu sheegay, maydkii oo tegey, iyo biyihii oo dhaqaaqii u dambeeyey goobo-goobo sameeyey. Halkaas ayaana la sheegay in Usaama si abadiya ah ugu dhammaaday.

Bowden markan uu hadlayey waxaa laga dareemayey sida uu uga taxaddarayo in uu ku andacoodo in uu isagu indhihiisa ku arkay sawirrada uu sharraxayo, mar aan sii fogeynna waxa uu iiba sheegay in aanu arkinba sawirradaas. “Inta badan waa aan ka xumaadaa in aanan indhahayga ku arkin, laakiin waxa aan la hadlay qof aan aaminsanahay oo ii sheegay in uu isagu arkay, si faahfaahsanna iigu sharraxay” ayaa uu iigu jawaabay.

Hadalkaas Bowden waxa uun uu sii badinayaa su’aalaha ka taagan bad-ku-xabaalidda Usaama Bin laadin ee la sheegayo, waxa aanu kiciyey doodo iyo su’aalo sida daadka ah oo lagu doonayo xaqa loo leeyahay helidda warka sida sharciga Maraykanku uu dhigayo, in kasta oo aan dalabkaas iyo su’aalahaas waxba lagu helin.

Qof kasta oo doonayey in uu bal hadda helo sawirradaas la sheegayo oo faahfaahsan waxaa amakaag ku noqday hadalkii ay haddana mar dambe wasaaradda difaaca Maraykanku ku jawaabtay ee ahaa in baadhis ay ku samaysay dhammaan diiwaannada la geliyey xamaamta iyo dhukumantiyada la xidhiidhay Usaama Bin laadin dilkiisa, aanay ka helin haba yaraato ee wax caddaynaya in sawirro laga qaaday jinaasadii Usaama Bin Laadin. Waxaa iyaguna jawaab tan la mid ah la kumay codsiyo kale oo lagu doonayey arrimo kale oo la xidhiidha weerarka lagu qaaday guriga Usaama deggenaa.

Sababta jawaabta loo waayey waxa ay caddaatay, markii wasaaradda difaaca ee Maraykanka ay qiratay in ay baadhis dheeraad ah ku samaynayso warar soo baxay oo sheegayey in soo saarayaasha filimka zero Dark Thirty uu maamulka Obama u fududeeyey in ay helaan xogo la xidhiidha arrintan. Warbixin ay soo saartay wasaaradda difaacu oo Internet ka la soo geliyey bishii Juun 2013kii, ayaa lagu sheegay in Admiral McRaven oo haystay ciidamada Badda Maraykanku uu amar ku bixiyey in dhammaan dhukumantiyada la xidhiidha weerarkii lagu dilay Usaama Bin Laadin laga tirtiro Kombiyuutarrada Milateriga loona gudbiyo CIA da, si halkaas loogu hayo oo looga ilaaliyo, oo ay uga nabad galaan Xeerka xorriyadda war-helidda (FOIA) ee Maraykanka oo haayad kasta oo aan CIA ahayn waajib kaga dhigaya in ay muwaadin kasta oo xog raadis ah siin karto xogta ay hayso ee aan la caddayn in ay amniga qaranka khatar ku tahay. Ujeedada McRaven ka lahaa tallaabadan waxaa lagu macneeyey in uu ka ilaalinayo dadka dibadda ka imanayaa in ay heli karaan xogaha milateri ee markabkan Carl Vinson. Laakiin runtu waxa ay tahay in uu ka hortagayey in ay fashilanto beenta ah in markabkan ay jinaaso run ahi ka dul dhacday, waayo haddii ay run tahay in Jinaasada Usaama lagu dul qabtay markabkan waxaa qasab noqonaysa in la helo xogta dhammaan qaybaha kala duwan ee markabkan dagaal hayaan, sida qaybta caafimaadka, injineeriyadda iwm. Waxa aana halkaas ka muuqanaysa in haddii ay run tahay in markabkan dushiisa jinaasadu ka dhacday, ay qasab noqonayso in diiwaannada iyo kombiyuutarrada iyo sidoo kale kamaradaha markabkan laga helo xogta.

Taas oo aan jirin, si haddaba aanay u soo bixin in arrintaasi been tahay ayaa la doonayey in dadka loo sheego in xogtaas la tirtiray oo hadda kadib Markabka aan laga helayn, runtuse ay tahay in aanay marka horeba xogtaasi markabkan ku jirin, maadaama oo aanay jinaasaba dushiisa ka dhicin sida runtu tahay.

Arrinta kale ee yaabka lihi waxa ay tahay in dhammaan shaqaalaha markabka Carl Vinson iyo askartii saarnayd laga waayey wax xog ah oo la xidhiidha Jinaasadda Usaama, tusaale ahaan markii bishii Juun 2011kii uu markabku soo dhamaystay hawshiisii ee uu dib ugu soo laabtay xaruntiisii Coronado ee gobalka California,  La soco…….