Sida Ugu Habboon Ee Aad Maqaarkaaga Uga Ilaalin Karto Dhibaatada Ay Dabaylaha Iyo Kulaylka Xagaagu Ku Keenaan

0
945

Hargeysa (Geeska)- Xilligaa xagaagu waxa si guud khatar ugu yahay jidhka aadadmaha, gaar ahaan maqaarka oo uu ku keeno ingag badan oo khatar caafimaad keena. Zilka Schwartau oo ah khabiir u dhalatay dalka Jarmalka oo ku xeeldheer nafaqada ayaa ka digtay in qofku uu biyo badan cabbi waayo xilliga xagaaga, taas oo ingag ku keenaysa maqaarka iyo guud ahaan jidhka.

Ingagga jidhku dareemaa waxa uu keenaa xaalado caafimaad darro oo ay ka mid tahay madax xanuun, dhinac madaxa ah u badan (Sida dhanjafka), daal fara badan, qofka oo dhugmadu ka lunto, ingag maqaarka ku dhaca, calool istaag, wadnaha oo garaaca kordhiya, kaadida oo midabkeeda huruudda furan ahi isu beddelo huruud rib ah ama bunni.

Haddaba si xaaladahan looga dheeraado waxa ay Zilka Schwartau ku talinaysaa in qofku uu mar kasta cabbo biyo ku filan, taas oo ah ugu yaraan hal mitir iyo badh maalintii, iyo in uu ku dadaalo cunista khudradda iyo midhaha ay biyuhu ku badan yihiin, sida khayaarka, xabxabka iyo cinabka.

Dhinaca kalana waa in xilliga xagaaga maqaarka la mariyaa kiriimada u gaarka ah daryeelka maqaarka ee xilligan, si looga ilaaliyo dhaawac kasta oo ingaggu ku keeni karo.

Birgit Huber oo iyaduna ah xeeldheere kale oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa sheegtay in maqaarku uu xilliga xagaagii u baahan yahay kiriimada khafiifka ah ee maqaarka, gaar ahaan kuwa qoyaanka ama dufanku ku badan yahay, sababtuna waa in ay ka hortagaan qallalka degdegga ah ee qorraxda iyo biyuhu ay ku keenayaan maqaarka.

Waxaa iyaduna muhiim ah in kiriimka ama noocyada dufanka la isticmaalayo ay ku jiraan maaddooyinka maqaarka ka ilaaliya qorraxda fallaadhaheeda, gaar ahaan qofka qorraxda badani ku dhacayso jidhkiisa, iyo kuwa jidhka ka ilaaliya calaamadaha gabowga.

Xeeldheere Huber waxa ay sheegtay in indhaha iyo dibnuhu ay yihiin meelaha ay muhiim tahay in xilliga xagaagii si gaar ah loo daryeelo, sababtuna ay tahay in maqaarka indhaha hareerahooda iyo dhibnuhu ay aad u khafiif yihiin, sidaa awgeed ay khatar ku yihiin fallaadhaha qorraxda iyo ingagga jidhka ku dhaca xilliga xagaaga.

Ugu dambayntii waxa ay khubaradu ku taliyeen in la isticmaalo shabuunaha jidhka lagu xoqo si ay jidhka uga daadiyaan unugyada dhintay, isla markaana uga hortagaan in dhididku uu ku ingago maqaarka, maadaama oo uu keeni karo in daloollada jidhku awdmaan, taasina ay keento baro iyo nabarro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here