Asaasuqu Ma’aha Xaalad Da’da Ku Lammaan, Balse Waa Xaalad Caafimaad Darro Oo Ka Hortag Iyo Daweynba Leh

0
855

Hargeysa (Geeska)- Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha ugu badan ee ay aadamuhu ka cawdaan. Inkasta oo uu marar badan yahay arrin dabiici ah oo mararka qaarkood ku kooban duruufo gaar ah oo uu qofku marayo iyo xaalado ku xeeran markaas, haddana waxaa jirta marar badan oo aanu ilowgu dabiici ahayn.

Sababaha keena waxaa ka mid ah xanuunka dila unugyada maskaxda ee Alzheimer ka loo yaqaanno. Dhibta ugu badan ee daweynta iyo ka hortagga xanuunka caqabadda ku noqotaana waa aaminsanaanta marar badan qaldan ee ay dad badani isku qanciyeen in uu yahay xanuun ay sababtiisu tahay isbeddello marka uu qofku weynaado ku yimaadda abuurta iyo shaqada maskaxda. Sidaa awgeed ay dabiici tahay in qof kasta oo weynaadaa uu la kulmo.

Warbixin ay faafisay shabakadda Aljazeera ayaa lagu sheegay in illowgu uu dabiici yahay, laakiin in qofka uu ku bataa ay tahay digniin sheegaysa khatarta ah in uu ku soo fool leeyahay xanuunka asaasaqu.

Warbixinta oo sii faahfaahinaysa calaamadaha bilowga asaasaqa lagu garto ayaa sheegtay; xasuusta dadka oo qofka ku adkaata, qofka oo jidadku iskaga qaldamaan, qofka oo shay uu hore u samayn jiray habkii u uu marayey garan waaya, qofka oo illaawa meelaha alaabta lagu kaydiyo, tusaale ahaan in uu cunto ku rido kabadhka dharka, ama lacag u rido qaboojiyaha.

Warbixintu waxa ay ku talisay in qofka xaaladahan isku arka ay la gudboon tahay in uu sida ugu dhaqsaha badan dhakhtarka ugu tago si uu baadhitaanno rasmi ah ugu sameeyo sababta illowgiisa. Taas oo keenaysa in haddii uu qabo xanuunka asaasaqa goor hore la ogaado, dawadana xilli hore oo ku habboon loo bilaabo. Haddii arrintan lagu guulaysto waxa ay ugu yaraan xakamaynaysaa dhibaatada uu xanuunkani maskaxda u geysan lahaa.

Asaasaqu waa cudurro kala duwan oo leh calaamado isku mid ah, oo dhammaantood xusuusta abbaara, kuwaas oo dila ama daciifiya awoodda fikir, heerka garasho ee qofka, isla markaana gaabiya awoodda maskaxeed iyo kartida xidhiidhada bulsho ee qofka, sidaa awgeed ma’aha cudur keliya oo magacaas leh, balse waa cudurro kala duwan oo magacani kulmin karo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here