Si Fudud Oo Aad Ku Garan Karto In Xogtaada Gaarka Ah Ee Internet La Jabsaday Ama Adiga Oo Aan Ogeyn La Faafiyey

0
582

Washington (Geeska)- Maalin kasta waxaa dunida ka dhaca falal budhcadnimo oo internet ka dhexdiisa ah, waxa aynu maqalna ama u soo joognaa akoonno ay shirkado ama shakhsiyaad leeyihiin oo inta la jabsaday lagu dhacay, ama fadeexad iyo ceebayn si loogu sameeyo xogtii ugu jirtay lagu faafiyey bogag ay dadka oo dhami arkayaan. Sannadkii hore oo keliya waxaa la jabsaday 68 Milyan oo ah akoonno ka furnaa barnaamijka xog-kaydiyaha ah ee Drop Box.

Marka aad wararkaa maqasho waxaa laga yaabaa in aad is weydiiso, bal in akoonnadaadu ay ku jiraan kuwa la jabsaday, oo adiga oo ana is ogeyn ay sirtaadii taallo bogag ay dadka oo dhami arki karaan. Bal in aad is weydiiso in ay jirto cid si uun u jabsatay furayaasha sirta ah ee akoonnadaada (Passwords).

Waxaa jira degel internet ka ah oo lagu magacaabo, ‘Have I Been Pwned’ oo aynu ku macnayn karno miyaa la jabsaday ama la ila wareegay. Degelkan oo cinwdaankiisu yahay, https://haveibeenpwned.com/ marka aad gasho waxa aadk u arkaysaa daaqad loogu talogalay in aad ku qorto cinwaankaaga Email ka ama facebook, iyo cinwaan kasta oo aad doonayso in aad ogaato in la jabsaday, kadibna waxa aad gujinaysaa batamka dhinaca midig kaa xiga ee ay ku qoran tahay ‘Pwned’. Waxa uu ku siinayaa warbixin ku aaddan akoonka aad gelisay, in la jabsaday ama cidi furayaashiisa iyo xogta ku jirta qaybihiisa gaarka ah meelo kale ku faafisay.

Sida oo kale boggani waxa uu fursad kuu siinayaa in uu maalin kasta ama toddobaad kasta hal mar isagu dib u eego akoonkaaga, adiga oo aan adigu u dirin, kadibna haddii ay dhacdo in ay cidi jabsatay ama gashay akoonkaaga muddadaas, uu kuu soo diro farriin digniin ah oo kuu sheegaysa in khatar amni ay soo waajahday akoonkaaga.

Waxaa isaguna xusid mudan barnaamij lagu magacaabo ‘Hacked’ oo isaga oo bilaash ah ku jira Google Play, kaas oo loogu talogalay in qofku uu ku ogaan karo mar kasta oo la isku dayo in akoonkiisa la jabsado.