Shirkadda Poultary Farm Oo Digaag Ku Caawinaysa Dadka Ay Abaaruhu Xoolahoodii Ka Madhiyeen

0
505

Anigoo ah Cumar Xuseen Mire (Qoobnaaje) ahna guddoomiyaha shirkadda Ubale Poultry Farm, waxaan dadka reer Somaliland ee xooluhu kaga baxeen abaarihii dalka ka dhacay aan ugu deeqayaa qoys kasta 10 xabo oo digaag ah, waxaanan diyaar u ahay inaan qaybiyo 3000 (saddex kun) oo digaag ah. Haddaba ciddii doonaysa in digaagaas loogu deeqo laga bilaabo maanta ha igala soo xidhiidhaan telefoonka ah 0634410048.