Marba marka ka sii dambaysa waxaa dunida ku soo badanaya noocyada kala duwan ee xanuunka xasaasiyadda oo weliba laga qaadayo qaar ka mid ah cuntooyinka. Sida ay dhakhaatiirtu sheegeenna sababaha ugu badan waxaa ka mid ah cuntadii oo hadda u badan mid la hidde beddelay (Genetically modified food) iyo deegaanka innagu xeeran oo aan ahayn mid sidii lagu yaqaannay nadiif u ah. Cuntooyin hore si caadi ah loo cuni jiray oo caafimaadka u fiicnaa ayaa maanta noqday kuwo xasaasiyadaha noocyada ugu dhibta badan keena, waxaa ka mid ah qamandiga iyo caanaha qasacadaha oo ugu badan. Sidoo kale dad badan ayaa xasaasiyad aad u daran ku ah qaar ka mid ah cuntooyinka badda. Waxa kale oo iyaguna xasaasiyadda aad u kiciya cuntooyinka qasacadaysan oo hilibbada u badan iyo qaar ka mid ah sharaabada qasacadaysan oo maaddooyinka laga sameeyaa ay kiciyaan.
Caadi ahaan xasaasiyaddu laba nooc ayaa ay ku timaaddaa, mid qofku isla marka uu cuno cuntada xasaasiyadda ku keenaysa uu dareemo, sida debnaha oo barara, dhiigroor, finan, cun-cun iwm, iyo nooc kale oo isaga mar dambe la isku arko tusaale ahaan in qofku uu xasaasiyadda isku arko maalmo kadib markii uu cuntada ku keentay cunay. Sidaa awgeed waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyaan in qofku mar kasta oo cunto ku cusub uu cuno ay fiican tahay in aanu mar labaad cunin cuntadaas illaa ay maalmo door ahi ka soo wareegaan markii hore, si uu u hubiyo in ay xasaasiyad ku kicinayso iyo in kale. Dadka badankoodu xasaasiyadda calaamadaheeda waxa uun ay u yaqaannaan inta aynu hore u soo sheegnay oo lagu daro cabudh, hindhiso iyo wax yaabo la mid ah, balse waxaa jira noocyo kale oo badan, tusaale ahaan qofka oo marka uu cunto cuno isku arka dibbiro badan ama shuban.
Ugu dambayntii khubarada caafimaadku waxa ay ku talinayaan in qofku isaga oo dhakhtarka la tashanaya uu barto maaddooyinka uu xasaasiyadda ku leeyahay, iyo in cunto kasta oo uu iibsanayo uu iska akhriyo waxa ay ka kooban tahay.