Hal-Ku-Dhegyo Xikmad Xambaarsan Oo Laga Reebay Hal-Abuurro Caalami Ah

0
2947

– Inta aad muujisato wax badan oo kale ha kaaga hooseeyaan, inta aad og tahay in ka yarna sheeg. (Shakespeare)

– Geesinimadu ma’aha in aad aargoosato, balse waa inta aad dulqaad iyo Samir leedahay. (Shakespeare)

– Si aynu dadka ugu qancinno sida aynu u fikirayno, marka hore waa in aynu fahamno sida ay iyagu u fikirayaan. Haddii aad doonayso in aad adigu wax hoggaamisana waxaa lama huraan ah in aad ogolaato in adiga lagu hoggaamiyo. (William Hazlitt)

– Qof aan fikirini waa dameeri-dhaan-raacday… qof in uu fikiraba aan awoodi karinina waa doqon, laakiin qofka aan kuba dhiirranayn in uu fikiro, kaasi waa addoon. (Sir William Drummond)

– Waa ay adag tahay in ruux jaahil ah aad dood kaga adkaataa. (Willaim McDo)

– Hiddaha iyo dhaqanku waa hanuun iyo gadhwadeen ee yey noqon xabsi (William Somerset Mugeam)

– Ujeedada cilmigu ma’aha in xaqiiqada la ogaado, balse waa in qiyamka wanaagsan la barto (Dean William Laing)

– Adduunyada waxa ugu weyn ee ku dhaqani waa aadamaha, aadamaha waxa ugu weyn ee ku jiraana waa caqliga (Sir William Hamilton).