Si Aad Jinsiyadda Turkiga U Hesho, Dalka Ka Dhiso Guri Ama Shaqo U Abuur 50 Ka Mid Ah Muwaadiniinta Dalkaas

46
3572

Ankara (Geeska)- Dawladda Turkiga ayaa fududaysay shuruuddii lacagta iyo maalgashiga ahayd ee ku xidhnayd in dadka shisheeyaha ah la siiyo jinsiyadda.

Wargeyska afka dawladda ku hadla ayaa arbacadii ina dhaaftay ee 19ka Sabtembar waxa uu faafiyey qodobbada cusub ee xeerka wax-ka-beddelka lagu sameeyey ee bixinta jinsiyadaha dalka Turkiga.

Xeerkan oo dhaqangalkiisu ka bilowday markii uu faafiyey wargeyska rasmiga ah ee dawladda, waxa uu dhigayaa in qof kasta oo shisheeye ah oo buuxiya shuruudaha soo socdaa uu codsan karo jinsiyadda dalka Turkiga.

– Haddii uu iibsado guri qiimihiisu yahay 250 kun oo doolar iyo ka badan, kaddibna aanu gurigaas dib u sii iibin muddo saddex sano ah. Hore waxa uu qodobkani dhigayey in qofku uu jinsiyadda helayo, haddii uu iibsado guri u dhigma Hal Milyan oo doolarka Maraykanka ah, oo uu mulkiyo muddo 3 sano ah, (Aanu dib u sii iibin).

– Maalgashi sugan (Gudaha dalka xaruntiisu tahay) oo qiimihiisu yahay 500 oo kun oo doolar. (Hore waxa uu qiimaha maalgashiga la iska rabaa u ahaa 1 Milyan oo doolar)

– Qofka lacag dhan 500 oo kun oo doolar dhigta bangiyada dalka Turkiga, muddo saddex sano ahna ku daaya. (Halka ay hore ka ahaan jirtay in qofku uu dhigto 3 Milyan oo doolar, oo saddex sano yaallaya.

– Qofka abuura mashruuc shaqo ay ka helayaan 50 muwaadin oo Turki ahi. (Waxa ay hore u ahayd 100 muwaadin oo Turki ah).

Shuruudahan mid ka mid ah qofka shisheeyaha ah ee laga helaa waxa uu xaq u yeelanayaa in uu qaato jinsiyadda dalka Turkiga, haddii uu isagu sidaas dalbado. Laakiin macnuhu ma’aha in uu isla marka uu shardiga sameeyo si toos ah u qaadanayo jinsiyadda, balse waxaa jira shuruudo iyo habraacyo ay tahay in uu maro.

Wakaaladda warar Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in dawladda Turkigu ay furayso xafiisyo u gaar ah qabashada codsiyada dadka shardiyadaas mid ka mid ah fuliya ee dalbanaya jinsiyadda Turkiga. Xafiisyadani waxa ay socodsiin doonaan dhammaystirka codsiyadan.

Waxa kale oo ay dawladdu magacaabaysaa guddi ka kooban wasaaradaha arrimaha gudaha, maaliyadda, deegaanka, guriyeynta iyo horumarinta dhismaha, warashadaha, iyo wasaaradda adeegyada bulshada. Guddidaas heer wasaaradeedka ah ayaa ay xafiisyadu u gudbinayaan codsiga qofka fuliya shardi ka mid ah kuwa kor ku xusan ee doonaya jinsiyadda Turkiga in la siiyo. Kaddib go’aanka kama dambaysta ah waxaa soo saaraysa guddidaas oo hubinaysa in qofku shardiga laga rabay si sharciga waafaqsan uga soo baxay, in lacagta uu dalka gelinayo uu ku xoogsaday sifo sharciga waafaqsan, in aanu dembiile dal kale ka ahayn ama si uun aanu amniga qaranka Turkiga u dhaawacayn, iwm. Markaas kaddib ayaa ay guddidu go’aanka kama dambaysta ah siinaysaa xafiiska codsiga qabtay, si uu qofkii codsadaha ahaa u gaadhsiiyo go’aanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here