Madaxweyne Biixi Goorma Ayuu Saxeexayaa Wax Ka Bedelka Xeerka Isgaadhsiinta?

0
779

Hargeysa(Geeska)-Shirguddoonka Baarlamaanka ayaa Madaxweyne Biixi u gudbiyay wax ka bedelka iyo kaabista lagu sameeyay xeerka isgaadhsiinta dalka oo meesha ka saaray kooto xeerkaas ku  jirtay oo loo sameeyay shirkadda SOM Cable ee uu leeyahay ganacsade Maxamed Aw Siciid.

Madaxweyne Biixi ayaa haysta awood sharci oo ah inuu 21 maalmood gudahood ku saxeexo dhaqangelinta xeerkan.

Laakiin Madaxweynaha ayaan weli saxeexin dhaqan gelinta xeerkaas, waxaana la isweydiinayaa in Madaxweyne Biixi saxeexi doono xeerkaas iyo inuu ka hor intaanu saxeexin ka dhex odayayn doono shirkadaha Dahab Shiil iyo Telesom oo isku aragti ah iyo shirkadda Som Cable oo dhinac ah.

Inkatoo ay shirkadaha Telesom iyo Dahab Shiil soo dhaweeyeen wax ka bedelka iyo kaabista xeerkan lagu sameeyay, haddana waxaan ilaa hadda war rasmi ah laga haynin shirkadda SOM Cable.

Dad badan ayaa aaminsan inaanu Madaxweyne Biixi ku deg degi doonin saxeexa xeerkan, balse uu isku dayi doono inuu isku soo dhaweeyo saddexdan shirkadood, dabadeedna uu xeerka saxeexo marka wax lagu heshiiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here