Shirkii Dib U Dhiska Somaliya Oo Maanta Ka Furmaya Beljam

5
547

Picture1Brussels(Geeska)-Shirkii uu Midowga Yurub muddooyinkii u dambeeyay abaabulayay ee qaadhaanka loogu ururinayay dawladda Somaliya, ayaa Isniinta beri ka furmaya magaalada Brussels ee wadankaas.

 

Shirkaas, waxa ka qayb galaya madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo maamulada gobalada Somaliya qaarkood, waxaana ugu dambeeyay oo lagu soo casuumay shirkaas Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo loo doortay madaxweynaha Jubaland.

Maalinimada Isniinta ah ee beri ayaa lagu wadaa in magaaladaasi ka furmo shirweynaha New Deal oo looga hadlayo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Dawladaha reer Yurub ayaa qabashada shirkan isku raacay, ka dib markii sannadkan shir weyn oo dhaqaale loogu ururiyay dawladda Somaliya lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Comments are closed.