Ruushka Iyo Turkiga Oo Heshiis Ka Gaadhay Hubka Kiimikada Ee Suuriya

4
680

Picture2Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry, iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov, ayaa bixiyay faaffaahin la xidhiidha qorshe sidii hubka kiimikada ee Suuriya loo soo galin lahaa gacanta beesha caalamka.

 

Mr Kerry, ayaa sheegay inay ku heshiiyeen in si wada jir ah ay u darsaan inta uu le egyahay iyo noocyada hubka kiimikada ee ay haysto dowladda Suuriya, ayna diyaar u yihiin in hubka la baabi'iyo si amaan ah.

Wuxuu sheegay inay tahay in Suuriya ay dhiibto liiska hubka ay haysato toddobaad gudaheed, ayna ogolaato in baadhitaan lagu sameeyo bisha November. Ujeedada ayaa waxay tahay in hubka kiimikada ee Suuriya la baabiiyo marka la gaadho bartamaha sanadka 2014ka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov, ayaa sheegay in qorshaha lagu heshiiyay laga reebay in xoog milatari la isticmaali doono hadii aaanay Suuriya aqbalin qorshaha.

Qodobadan ayaa noqday kuwii kaliya oo ay isku afgarteen Maraykanka iyo Ruushka oo si weyn ugu kala aragti duwanaa arrimaha Siiriya iyo habka loo abaadhayo hubka Kimikalka ee dowlada Bashaar Al Assad. Maraykanka ayaa u muuqda inuu hada meesha ka saaray hanjabaadii militariga ee ka dhanka ah dowlada siiriya, walow uu Maraykanka mar walba awood uleeyahay inuu duulaan ku qaado dalka Siiriya isagoo aan u marin golaha amaanka Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale, madaxa qaybta milatariga ee mucaaradka Suuriya General Selim Idris, ayaa diiday heshiiska Ruushka iyo Maraykanka ee hubka kiimikada ee Suuriya.

Shir jaraaid oo uu ku qabtay Turkey, ayuu Genenal Idris ku sheegay in heshiiskan aanu xalinayn xaalada Suuriya, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan halgankooda.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka uu ka socdo duleedka Dimishiq. Goobjoogayaal ayaa sheegay in diyaaradaha Suuriya ay weerar qaadeen.

Comments are closed.