Shirkado Waaweyn Oo Loollan Ugu Jira In Kooto Loogu Xidho Soo Saarista Tallaalka ‘Coronavirus’ Si Ay Uga Faa’iidaan

0
592

Barnaamijka baadhis ah oo uu talefishanka Aljazeera sii daayo ayaa helay dhukumanti qarsoodi ahaa oo caddaynaya in shirkadaha waaweyn ee sameeya dawadu ay loollan ugu jiraan sidii ay kooto ugu heli lahaayeen soo saarista tallaalka xanuunka Covid-19 ee uu sababo Fayraska Coronavirus.

Barnaamijkan oo lagu magacaabo ‘Waxa qarsoon baa daran’ (Maa khafiya Acdam), ayaa baadhistan oo uu ugu magacdaray ‘Ka ganacsiga cudurka’ waxa kale oo uu ku ogaaday in shirkadaha tartankan ku jira ay ka mid yihiin kuwo waaweyn oo hore loogu dhaliilay qiimaha waxsoosaarkooda, gaar ahaan dawooyin iyo tallaalo badan oo hore qandaraasyo loogu siiyey.

Tan iyo markii Fayraska Coronavirus uu dunida sida ba’an ugu faafay, dalal badan oo adduunka ah ayaa loollan adag ugu jira soo saarista tallaaal iyo dawo ku habboon xanuunka Fayraskan ka dhasha ee COVID-19. Laakiin xogaha soo baxaya ayaa abuuraya walaac laga qabo in ka ganacsiga dawadan aadka loogu baahan yahay uu sababo in dad dalal badan oo sabool ahi ay iibsan kari waayaan, sida horeba ugu dhacday xanuunno dunida ka dillaacay oo muddo dheer dawadoodu macduun ku ahayd dunida saboolka ah.