Diyaarado Dagaal Oo Muunad Keliya Ah Ayuu Maraykanku Malaayiin Doolar Kaga Iibiyaa Dunida Saddexaad

0
648

Diyaaradaha cawaandiga ah ee uu Maraykanku sameeyo waxaa ka mid ah F-16 oo lagu naanayso gorgorka dagaalyahanka ah. Waa diyaarad jiilka afaraad ee diyaaradaha dagaalka Generaal Dynamics soo saarto ku soo bilaabantay. Waxaana loo diyaariyey in ay noqoto diyaarad fudud oo liishaan-san awoodna u leh in ay u adkaysato dhammaan duruufaha cimilada ee kala duwan.

Inkasta oo ay hawada ku jirtay afartankii sano ee u dambeeyey haddana waxa ay ka mid tahay diyaaradaha loogu jecelyahay, ee uu Maraykanku ganacsiga badan ka sameeyey sannadihii u dambeeyey. Sicirka xabadda keliya lagu iibiyaana waa inta u dhexeysa 14 iyo badh milyan illaa 19 Milyan oo doolar. Taas oo ku xidhan hadba moodeelkeeda oo u badan Sannadkii 1998 kii.

Diyaaraddani waxa ay ku shaqaysaa barnaamij kombiyuutar oo aad u horumarsan, waxaana lagu jecelyahay awooddeeda dagaal iyo saacadaha ay hawada ku jiri karto oo haybad badan u sameeyey. Taas oo kalliftay in diyaaraddan iibsigeeda ay dhaqaale badan ku bixiyaan dalalka adduunka gaar ahaan kuwa qaaradda Aasiya iyo Woqooyiga Afrika ah, oo Carabta u badan.

Bandhigyada milateri ee dalalkani sameeyaan ayaa lagu arkaa diyaaradahan oo si xarago leh raxan-raxan damaashaadka uga qaybgelaya, iyo madaxda dalalkan oo si faan leh salaan sharaf uga qaadanaya fagaarayaasha milateriga. Laakiin ceebta mar dambe soo baxday ee ay madaxdani qarsanayeen ayaa ah, in diyaaradahan uu Maraykanku dalalkan lacagta qaaliga ah ka siiyey aanay sida ay rabaan u isticmaali Karin.

Fureyaasha iyo tirooyinka afgarasho ee ay diyaaraddani ku shaqayso waxaa gacanta ku haya Gaashaandhigga Maraykanka, dalka laga iibiyeyna looma sheego oo diyaaradaha oo kicis mooyee aan weerar geli karin ayaa lacagta laga shubaa oo la geeyey. Taas oo macnaheedu yahay sida uu raysalwasaaraha Malaysiya Mahaatiir Muxamed qiray in dalalkani ay bandhigyada oo keliya isku qurxiyaan diyaaradahan. Laakiin marka ay dagaal noqoto ay ku qasban yihiin weerar kasta oo ay ku gelayaan in ay fasax uga qaataan Maraykanka. Haddii uu ogolaado weerarkaas ayuun baanu siinaya furayaasha sirta ah ee kombiyuutarka diyaaradda.

Ma jirto dawladda weerar ku geli karta diyaaradahan ama xitaa isku difaaci karta, haddii aanu Maraykanu ogolaan. Waana sababta keentay in baahida dagaal ee kediska ah aanay waxba ka tari Karin, dalalka Maraykanka xulafada la’ ahna aan lagu weerari Karin.

Dalal Kooban oo Yurub ah iyo Israa’iil ayaa ah cidda keliya ee uu Maraykanku diyaaradahan iyo furahooda isu raaciyey awooddana u leh in ay iskood u isticmaali karaan. Waxaa kale oo la mid ah dhammaan hubka barnaamijka kombiyuutarku ka shaqaysiiyo ee uu Maraykanku dalalkan ka iibiyo, kaas oo fure la’aan lagu wareejiyo iibsadaha. Marka laga reebo dalalkan aynu xusnay.

Si kastaba ha ahaato ee, dalal kooban oo dhibtan ka badqaba waxaa ugu horreeya dalka Turkiga oo isagu ku guulaystay in uu iskii u horumariyo awoodihiisa samaynta qalabka milateriga, oo ay diyaaradaha dagaalku ka mid yihiin. Sannadkii 1984 kiina Maraykanka ka helay rukhsad loogu ogolaanayo in soo saaro nooc u gaar ah oo ka mid ah diyaaradda F-16 ee Maraykanka. Iyada oo tijaabooyin ay diyaaraddani gashay gaar ahaan xilligii nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee Kosova la ogaaday in ay leedahay awood ay hawada ku jiri karto saacado ka badan inta ay ku jirto diyaaradda nooceeda Maraykanka lagu sameeyey. Inkasta oo uu Maraykanku qudhiisu dib u cusboonaysiin iyo sii tayeyn badan oo joogto ah ku sameeyey diyaaraddan.

Rukhsadda uu Turkigu diyaaradan u helay waxa ay u suurtagelisay in ay ciidamadiisu isticmaalaan diyaaradahan oo uu isagu barnaamijkeeda gacanta ku haysto. Waxa aanu hadda qorshaynayaa in sannadka 2023 ka uu shaqada ka saaro dhammaan diyaaradaha F-16 oo uu ku beddeli doono kuwo uu isagu leeyahay samayskooda oo dhan.