Ganacsade Cali Cumar Oo Ka Hadlay Geerida Taliye Fooxle

0
753

Hargeysa(Geeska)-Ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed, ayaa ka hadlay geerida Alle haw naxariiste taliye-xigeenkii ciidanka Asluubta marxuum Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa, waxaanu tacsi u diray qoyska reer Liibaan Axmed iyo guud ahaan shacabka oo uu ka tacsiyeeyay geerida taliye-xigeenka.

Ganacsade Cali, wuxuu sheegay in Marxuum Fooxle, ahaa taliye ruug-cadaa ah o oaf gaaban, “Waxaan halkan tacsi uga digayaa guud ahaan qoyska reer Liibaan Axmed, waa qoys aanu ehel iyo walaalo nahay oo aanu wadaagno xidhiidho qoys oo qoto dheer, waxaan leeyahay Alle Samir iyo iimaan ha inaga siiyo walaalkeen, si gaar ah waxaan tacsidan ugu dirayaa marxuumka hooyadii iyo walaaladii,  Allena waxaan uga baryaynaa inuu u dambi dhaaf oo uu u naxariisto. Waxa kaloon tacsi u dirayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland, waxaanan qirayaa in marxuumku ahaa nin af gaaban, edeb badan, cibaado wanaagsan oo shaqo badan. Abaal badan ayuu qaranka iyo umadda ku lahaa Allena waxaan ka baryayaa inuu ku abaalmariyo oo uu u naxariisto una dambi dhaafo.” Sidaas ayuu yidhi Ganacsade Cali Cumar Xasan Guleed.