Baadariga Kaatoligga Ayaa Dhunkaday Kabaha Madaxda Dalka Koonfurta Suudaan Oo Uu Nabadda Ku Wacdiyay

0
627

Roma (Geeska)- Baadariga ugu sarreeya mad-ahbta Kaatoliga ee diinta Kiristaanka, ahna hoggaamiyaha Faatikaanka ayaa mar keliya indhaha adduunka soo jiitay markii la arkay isaga oo inta uu rukuucay dhunkanaya kabaha hoggaamiyeyaasha Koonfurta suudaan ee hore dagaallada sokeeye u dhex yaalleen kana codsanaya in aanay dib ugu noqon dagaalkii sokeeye.

Baadariga ayaa madaxweynaha Koonfurta suudaan Selfakeer Miyaardeet iyo ku xigeenkiisa isu rogay hoggaamiyaha mucaaradka ee Riyaak Mishaar iyo sida oo kale saddex ku xigeen oo uu madaxweynuhu, waxa uu ka codsaday in ay xushmeeyaan xabbad joojinta, kana soo baxaan ballanta ah in ay bisha dambe dhisaan dawlad midnimo qaran.

Baadariga oo ayaa cod qiiro leh ku yidh, “Waxa aan si walaalnimo leh idinka codsanayaa in aad nabadda ku taagnaataan … si niyad ah ayaa aan idinka baryayaa … aynu hore u soconno … dhibaatooyinku waa ay iska badan yihiin, laakiin yaanay innaga xoog badan … dhibtiina xal u hela”

Muuqaalka ayaa laga dareemayaa hoggaamiyeyaasha Koonfurta Suudaan oo si u qaadan waa ah u eegaya Baadariga 82 sano jirka ah ee jilbaha dhulka u dhigtay in uu dhunkado kabaha labada hoggaamiye ee hilaafku dhex yaallo iyo dhowrka qof ee kale.

Baadariga ayaa hoggaamiyeyaasha Koonfurta Suudaan isugu keenay xaruntiisa Vatican ka si ay u sameeyaan 24 saac oo cibaado iyo wacdi ah, taas oo qayb ka ah tallaabo uu doonayo in uu u yareeyo qaybsanaanta foosha xun ee u dhexaysa, ka hor inta aanay dhisin dawladda wadaagga ah ee ay dhowaan ku heshiiyeen.

Baadariga oo afka Talyaaniga ku hadlayey ayaa labada masuul ee ugu sarreeya awoodda Suudaan u sheegay in ay arrin caadiya tahay in mar kasta uu khilaaf iman karo, laakiin waxa uu kula dardaarmay in khilaafkoodu aanu xafiiska ka soo bixin, mar kasta oo ay dadkooda u soo baxayaanna ay midnimo tusaan iyaga oo gacmaha is haysta.

Koonfurta Suudaan oo dalka Suudaan madaxbannaani ka qaadatay sannadkii 2011 ka ayaa laba sano kaddib ay ka bilowdeen dagaalo qabiil ku salaysan oo ay kala hoggaaminayaan madaxweynaha dalka oo horkacaya beeshiisa Dinka iyo ku xigeenkiisa Mishaar oo qabiilkiisa Nuweyrku ku daba faylay. Dagaalladaas waxaa ku dhintay dad gaadhaya 400 oo kun oo qof, waxaana ku barakacay ugu yaraan saddex meelood laba ka mid ah dadkii dalka ee tiradoodu 12 ka milyan tahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here