Shirkadda Nokia Oo Mar Kale Ku Soo Noqotay Suuqa Taleefannada Gacanta Qiime Yaab Lahna Soo Bandhigtay

0
868

 

Shirkadda HMD ayaa daaha ka rogay talefan ay soo saartay shirkadda Nokia oo ku shaqaynaya barnaamijka Android gaar ahaan nuskhadda ‘Adroid Go Edition’.

Inkasta oo ay sannadihii dambe shirkadda Nokia suuqyada taleefannada adduunka hoos uga dhacday, gaar ahaan intii ay soo baxeen taleefannada awoodda badan ee casriga ahi, haddana hore waxaa loogu bartay taleefanno tayo badan. Arrintaas ayaana sabab u ah in dad badani ay xiiseynayaan warka ah in shirkaddu mar kale ku soo noqoto suuqa taleefannada. Laakiin warka sheegaya soo noqoshadeedu markan waxa uu dad badan ku abuuray dareen yaab leh, oo la xidhiidha sida ay noqon doonto tayada taleefankeeda cusubi. Kaddib markii ay shirkaddu shaaca ka qaadday in taleefankeeda cusub oo lagu magacaabo ‘Nokia C1’ uu suuqa ku imanayo 59 doolar.

Taleefanka Nokia C1 oo ku jihaysan suuqyada hadda soo korayaa, waxa uu leeyahay muraayad nooca IPS loo yaqaanno ah oo cabbirkeedu yahay 5.45 inch ah, waxa aanu leeyahay lakab sare oo quraarad xoog badan ah, taas oo loogu talagalay in ay shaashadda ka ilaaliso nabarrada iyo in ay xoqanto.

Nokia C1 waxa uu leeyahay laba kamaradood oo dhabarka iyo soo jeedka ku taalla, oo 5 Pixel ah, iyo falaashka kamaradda oo aad u awood badan nooceeduna yahay LED. Taleefankan qiimaha jaban ee ay shirkadda Nokia soo saartay oo la sheegay in ay tayadiisu aad u sarraysaa, waxa uu ku shaqeeyaa laba kaadh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here