Gabadh Yar Oo Uu Taraab Neceb Yahay Ayey Majaladda TIME U Aqoonsatay Shakhsiyadda Sannadka 2019 Ka

0
952

 

Donald Trump inkasta oo uu yahay madaxweynaha dalka ugu awood badan adduunka maanta iyo maalqabeen magac weyn muddo dheer ku lahaa ganacsiga dalkiisa iyo dunida, haddana waxa uu u muuqdaa nin ka xun guulaha ay gaadho gabadh yar oo u dhalatay dalka Sweden.

Greta Thunberg Gabadhaas oo 16 sano jir ah ayaa ka mid ah dadka ugu magac dheer ee u dhaqdhaqaaqa xakamaynta isbedelka cimilada adduunka, waxa se muuqata in madaxweyne Trump aanu horumarkeedaas ka raalli ahayn. Mar kasta oo ay tallaabooyin guul ah ku kacdana waxa uu kaga jawaabaa aflagaaddo badheedh ah.

Waxaa u dambaysay markii ay dhowaan majaladda TIME gabadhan yar u dooratay shakhsiyadda sannadka 2019 ka, oo uu iyada iyo majaladdaba weerarka afka ah ku qaaday. Doorashada gabadhanna ku tilmaamay arrin macno darro ah. Isaga oo muujinaya in majaladdani ay iftiimiso doorka gabadhan yari ku leedahay dadaallada caalamiga ah ee lagu xakamaynayo isbeddelka cimilada. Waxa aanay noqotay qofkii ugu da’da yaraa ee ay majaladdani u doorato shakhsiyadda sannadka tan iyo sannadkii 1927 kii oo ay sannad kasta qof dooranaysay, sannadkii 2016 kana dooratay madaxweyne Trump qudhiisa.

Madaxweyne Trump weli kama uu hadal sababta uu inantan yar colaadda ugu qaaday, waxa se la aaminsan yahay in ay colaaddaasi salka ku hayso khudbad ay Greta Thunberg ka jeedisay shir madaxeedkii cimilada adduunka ee bishii sagaalaad ee 2020 ka lagu qabtay xarunta qaramada midoobey ee New York. Kulankaas oo ay madaxweyneyaal, raysalwasaareyaal iyo hoggaamiyeyaal kala duwan oo caalami ahi fadhiyeen ayaa ay madaxda adduunka ku cambaaraysay in ay waqti ku lumiyeen ballanqaadyo madhan, iyada oo ay weli sii socoto khatarta isbeddelka cimilada oo xanuunno iyo dhimasho keento, dhibbanaha ugu weynina uu ubadka yaryar yahay. “Waxa keliya ee aad ka sheekaynaysaan waa lacag iyo sheekooyin malo-awaal ah oo ku aaddan korodhka dhaqaalaha..” ayaa ay tidhi Greta Thunberg.

Madaxweyne Trump ayaa hadalka inanta yar u fahmay in ay isaga u duurxulayso, waayo waxa ay aad ugu celcelisay in arrintan wax ka qabashadeeda lagaga mashquulay lacag iyo ganacsi raadin, taas oo ah waxa ugu badan ee uu madaxweyne Trump ku dhiso istaraatijiyadiisa maamul, aadna u soo hadal qaado. Waxa kale oo uu Trump ogyahay in uu ka soo horjeedo tallaabooyinka ay hoggaamiyeyaasha adduunka badankoodu doonayaan in ay ku xakameeyaan isbeddelka cimilada, isaga oo horena uga baxay heshiiskii Paris ee xakamaynta wasakhowga hawada.

Maalintii ay hadalladaa tidhi Greta Thunberg, wixii ka dambeeyey madaxweyne Trump waxa uu bilaabay weerarro iyo aflagaado joogto ah oo inanta yar ka dhan ah, tallaabo kasta oo ay qaadana waa uu xaqiraa.

Haddaba markii ay majaladda TIME cadadkeedii khamiistiii 19 ka Diisambar ku baahisay in ay Greta u xulatay shakhsiyadda sannadka waxa uu sii kordhiyey weerarradii uu ku qaadayey.

Waxaa la yaab noqday sida uu madaxweynuhu ugu sii talax tegey wax ka sheegga gabadhan da’da yar oo xitaa uu gaadhay in uu soo qaado xanuun ay qabto oo lagu magacaabo ‘Asperger’ kaas oo waxyaabaha uu keneo ay ka mid tahay in uu qofka ku keeno inuu xakamayn kari waayo qiiradiisa iyo dareenkiisa cadho. “Greta Thunberg waxaa la gudboon in ay xakamayso dhibaatada dhinaca cadhaada ah ee ay qabto, kaddibna ay mid ka mid ah filimadii hore iskala daawado qof ay saaxiib yihiin. Is deji Greta! … Is deji’ ayaa uu Trump ku qoray bartiisa twitter ka.

Haddaba waxaa xiise leh in gabadha yar ee Greta markii ay ka jawaabtay farriinta madaxweynaha, iyada oo barteeda twitter ka ee ay la socdaan 3 milyan iyo 300 oo kun oo qof ku soo qortay, “Inan yar oo ka shaqaynaysa dhibaatada ay abuurtay xukuumadda cadhadu… imikana si nafis ah saaxiib ula daawanaysa filim hore oo aad u fiican” bartaas ayaa uu mar kale ka sii laba kacleeyey dagaalkii Greta ee Trump oo mar kale ka sii cadhooday in ay inanta yari xukuumaddiisa ku naanaysto xukuumaddii ‘Cadhada’.

Majaladda TIME oo dagaalka soo gadhay ayaa iyaduna la safatay inanta yare e reer Sweden, uu mid ka mid ah tifatirayaasheedu qoray, “Greta Thunberg waa codka ugu weyn ee qadiyadda ugu weyn ee adduunku sannadkan waajahayo. Waxa ay hoggaaminaysaa dhaqdhaqaaq deegaan oo caalamiya”

Waxaa xusid mudan in xilligii ay gabadhan yari khudbadda qaramada midoobey u socotay in ay ku kulmeen madaxweyne Trump oo ay dhowr mitir oo keliyi u dhexeeyeen, laakiin si badheedh ah oo lawada arkayo isu diidsiiyey in uu salaamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here