Shirkadda Huawei Oo Bisha Juun Soo Saaraysa Taleefanno Isku Laabmaya Iyo Samsung Galaxy Oo Ku Fashilantay

0
600

Beijing (Geeska)- Shirkadda caanka ah ee Huawei oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa xaqiijisay in ay bishia lixaad ee foodda innagu soo hayso soo saari doonto talefanka cusub ee Mate X oo ah nooca isku duubmaya.

Shirkadda ayaa warkan soo saartay kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay soo saarista taleefankan dib ugu riixday bisha sagaalaad ee sannadkan, arrintaas oo daba socotay markii ay shirkadda kale ee Samsung oo laga leeyahay dalka Kuuriyada Koonfureed ay ku fashilantay in ay talefankan Galaxy Fold oo ah nooca isku duubmaya soo saarto waqtigii ay hore u qabsatay.

Samsung ayaa sheegtay in taleefankii isku duubmayey ee qorshuhu ahaa in ay soo saarto ay dib u dhigayso illaa waqti aan cayinnayn. Samsung waxa ay sababta dib u dhigista ku sheegtay baadhitaanno ay ku hubinayso warbixinno sheegaya in ay cillado yeesheen shaashadaha taleefannadeeda isku duubmaa.

Wargeyska Phoenix Network Technologies oo ka soo baxa dalka Shiinaha ayaa war uu baahiyey ku sheegay in uu helay xogo xaqiijiyey in wararka dib u dhigista soo saarista Mete X ay yihin dacaayado. Shirkadda Samsung ayaa sheegtay in taleefankii isku duubmayey ee qorshuhu ahaa in ay soo saarto ay dib u dhigayso illaa waqti aan cayinnayn. Samsung waxa ay sababta dib u dhigista ku sheegtay baadhitaanno ay ku hubinayso warbixinno sheegaya in ay cillado yeesheen shaashadaha taleefannadeeda isku duubmaa.

Shirkadda Huawei ayaa iyadu hore u dhaliishay taleefanka Galaxy Fold ee shirkadda Samsung kaas oo ay sheegtay in qaabka loo sameeyey uu yahay mid aan macquul u ahayn shaqada la doonayo in uu qabto, gaar ahana in aanu gaadhi Karin taleefankeeda Mete X. Huawei waxa ay sheegtay in qaladaadka Samsung ay ka mid tahay dhinaca uu taleefankeedu u duubmayo oo gudaha ah, taas oo ay sheegtay in aanu suurgagal ahayn. Waxa ay sheegtay in iyada taleefankeedu uu dhinaca dibadda ka duubmayo, tijaabooyin ay sameeyeenna muujinayaan in ay sida saxda ahi sidaas tahay.

Warbaahitna ka faalloota arrimaha tiknoolajiyaddaa ayaa ay qaarkood faafiyeen warbixinno ay ku sheegayaan in tallefanka shirkadda Huawei ee Mete X uu ka fiican yahay farsamo ahaan iyo shaqo ahaanba dhiiggiisa Samsung ee galaxy Fold.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here