Carruurta Seexata Sariirta Labadooda Waalid Oo La Ogaaday In Ay Boqolkiiba 49 Khatar U Yihiin Dhimasho

0
625

Washington (Geeska)- Xarunta Maraykanka ee la socoshada iyo ilaalinta cudurrada faafa ayaa ka digtay khatarta ay leedahay in carruurta yaryari ay waalidkood sariirta la seexdan.

Baadhitaanno ay xeeldheereyaasha caafimaadka carruurtu ku sameeyeen dhibaatada arrintan ka dhalan karta, oo natiijadooda lagu faafiyey majaladda ka faalloota caafimaadka carruurta ee ‘Pediatrics magazine’ ayaa muujinaysa in carruurta weli da’da naas nuugga ku jirta ee sida kediska ah u dhinta ay boqolkiiba 49 yihiin kuwa habeenkii sareerta lala seexiyo labada waalid.

Waxa aanay khubaradu ku taliyeen muhiimadda ay leedahay in ilmaha la seexiyo sariir u gaar ah, xitaa haddii qol uu la seexanayo labadiisa waalid.

Daraasadda oo sii baadhay sababta keenaysa in la seexashada waalidku ay ilmaha geeri ku keento ayaa ogaatay in neefta labada waalid ee dhinacyada ilmaha ka hurdaa ay sababto in ilmuhu neef qabatoobo, taasina ay halis u tahay in uu u dhinto maadaama oo aanu ahayn qof roon oo marka neeftu ku dhegto kor u boodaya.

Waxa kale oo ay daraasaddu ogaatay in gogosha lagu gogle sariirta dadka waaweyn, gaar ahaan sariiraha qolalka hurdada ee xaaska ay tahay maro aad u jilicsan oo neef qabatow ku keeni karta ilmuhu haddii uu beerka u jiifsado, sida ku dhacday boqolkiiba 82 carruurta dalka Maraykanka ee dhinta iyaga oo waalidkood la hurda sariirta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here