Bilays Xabsiga U Taxaabay Shirmbir Ay Sheegeen In Uu Ka Fashiliyey Dembiilayaal Ay Gaadayeen

0
609

Brasilia (Geeska)- Dhacdo nooceedu dhif ku noqday adduunka ayaa ay ahayd in bilayska dalka Baraasiil uu xabsiga u taxaabay shirmbir nooca codka dadka canjilaha ee babqaaga ah oo ay sheegeen in uu digniin gaadhsiiyey koox daroogada ka ganacsata oo ay doonayeen in ay si kedis ah ugu soo qabtaan goob ay joogeen.

Bilayska ayaa sheegaya in shimbirkani uu mar keliya qaylo la sara kacay ‘Hooyo waa bilays’ ‘hooyo waa bilays’ isaga oo ganacsatada ku wargelinaya in uu bilaysku ku soo foolleeyahay, taasina ay siisay fursad ay ku baxsadaan. Mid ka mid ah bilayska oo warbaahinta uga warramay dhacdadan dadka ka yaabisay iyo tuhunka bilaysku ku xidhay shimbirkan ayaa sheegay in ay u muuqato in dembiilayaashu ay shimbirka ku tababareen in uu u noqdo basaas uga soo warrama marka uu bilaysku ku soo dhowaado. Sarkaalkan ayaa sheegay in maragga ay arrintaas u hayaan ay tahay shimbirkan oo isla marka uu arkay askarta dhawaaq dheer ku yidhi ereyada aynu soo sheegnay.

Waxa se yaab leh in shimbirkani markii la ixdhay uu joojiyey guud ahaanba hadalka.

Warbaahinta dalka Baraasiil ayaa sheegay in shimbirkan loo qaaday beer xayawaanka lagu daryeelo, si dhakhaatiirta loogala tashado in shimbirkani uu iskii u noolaan karo, taas oo hordhac u ah tallaabo uu bilaysku doonayo in uu shimbirkan keynta ku sii daayo si aanu mar dambe ugu adeegin kooxaha ka ganacsata daroogada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here