Shirkadda Caanka Ah Ee MacDonald’s Oo La Ogaaday In Ay Cuntooyinkeeda Fudud Ku Sameeyaan Hilib Dad

0
895

Picture6Washington (Geeska)- Warbixin naxdin iyo amakaag ku ridday macaamiisha 70 ka Milyan kor u dhaaftay ee shirkadda cuntooyinka fudud samaysa ee MacDonald’s ayaa fashilisay sir culus oo sheegaysa in warshadda cunto samaynta ee shirkaddani wax yaabaha ay ku darto cuntooyinkeeda fudud ee lagu iibiyo dhammaan dukaamadeeda kala duwan uu ku jiro hilib dad. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda internet ka ee dailybuzzlive oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa intaas ku daray in taariikhda cunto samaynta shirkaddan caanka ah ee MacDonald’s aanay nadiif ahayn. Sida la og yahay inta badan ee hudheellada cuntooyinka caalamiga ah sameeyaa waxa ay adeegsadaan wax yaabo sir u ah oo ay ku wanaajiyaan dhadhanka cuntooyinkooda, kana taxaddaraan in ay cidi ogaato si aanu looga xadin sirta dhadhanka ay la gaarka yihiin, taas oo aanay marka hore dadku dhib u arkayn, laakiin warkan hadda ee sheegaya in hudheellada MacDonald’s cuntadooda ku daraan hilib dad ayaa dhalinaya muran la xidhiidha xaqa ay dadku u leeyihiin in ay ogaadaan waxa ay ka samaysan tahay cuntada ay cunayaan. Shabakadda www.DailyBuzzliev.com ayaa sheegaysa in warkan uu yahay xaqiiqo ay isaga oo cod qiraala ah ka heshay mid ka mid ah shaqaalaha MacDonald’s, kaas oo sheegay in hilib dad ay ku dhex qaldaan Hamburger ka ay sameeyaan iyo sidoo kale in noocyo dirxiga ka mid ah oo dhadhan fiican oo gaar ah sameeya lagu daro cuntooyinka hudheelkani sameeyo qaarkood. Warka xaqiijinaya in warshadaha cuntada u diyaariya shirkaddan cuntadeeda la jecel yahay ee MacDonald’s ay ku darto hilib dad waxaa sidoo kale xaqiijiyey masuuliyiin ka tirsan Waaxda baadhista dembiyada ee dalka Maraykanka, kuwaas oo xaqiijiyey in qaboojiyeyaasha ay shirkaddani u isticmaasho kaydinta hilibka laga helay hilib dad. Lloyd Harrison oo ah sarkaal ka tirsan FBI oo mar uu la hadlayey shabakadda wararka ee http://huzlers.com/ yidhi, “Waxa ugu xumi ma’aha oo keliya in hilib dad ay isticmaalaysay, balse waa in hilibkaasi uu weliba ahaa hilib carruureed. Qaybo hilibkii iyo xubnihii kale ee bani’aadamka ka mid ah ayaa laga helay warshado cuntooyinkan sameeya oo ku yaalla meelo kala duwan oo dalka Maraykanka ah”