Sheekh Cabdilaahi Cali Oo Muxaadiro Ku Saabsan Qiimaha Wakhtiga U Jeediyey Ardayda Jaamacada Beder

0
723

Picture1Hargeysa (Geeska)-Sheekh reer Jabuuti Sheekh Cabdilaahi Cali Geele oo ka mid ah Culimada ugu waaweyn Wadamada Geeska Afrika, ayaa Muxaadiro ku saabsan qiimaha uu Wakhtigu leeyahay iyo sida looga faa’iidaysto u soo jeediyey Ardayda dhigata Kuuliyada kala duwan ee Jaamacadda Beder.

Muxadiradan oo ka dhacday Xarunta Jaamacadda Beder, ayaa waxa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Beder Prof: Mubaarig Ibraahim Aar, Guddoomiye ku xigeenka Jaamacada Aabi Cali Maxamed,Hormoodada Kuuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda, Macalimiin iyo Arday aad u tiro badan, oo iskugu jira Hablo iyo Inamaba.

Guddoomye ku xigeenka Jaamacada Beder Aabi Cali Maxamed, oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay mar walba ku dadaalan sidii ay sare ugu qaadi lahayn isla markaana Ardayda u bari lahayeen qiimaha ay Diinta Islaamku leedahay, waxaanu sheegay inuu Jaamacadda marti u yahay Sheekh weyn ee Sheekh Cabdilaahi Cali Geele, isla markaana uu Ardayda u jeedin doono Muxaadiro ku saabsan Wakhtiga iyo ahmiyada uu leeyahay, waxaanu yidhi “Waxa inoo martiyada Sheekheena weyn ee Seekh Cabdilaahi Cali Geele, waa Sheekh caalina oo Culuum badana loogu noqdo, waa Sheekh mar walba oo uu yimaada ina soo gaadha, oo Jabuuti ayuu degan yahay, mawduuca uu ka hadlayaana waa Wakhtiga iyo ahmiyada uu leeyahay, oo waxa aanu doonaynaa madaama aad Arday tihiin inaad Wakhtiga ka faa’iidaystaan, oo aad ilaalisaan”.

Sheekh Cabdilaahi Cali Geele, oo isna Muxaadiradaas ka hadlay ayaa halkaas ka soo jeediyey Muxaadiro dheer oo ku saabsan qiimaha uu leeyahay Wakhtigu, sida ugu fiican ee looga faa’iidaysanayo iyo sida loo dayici karo, waxaanu sheegay in waxa ugu fudud ee la dayaco uu yahay Wakhtiga, waxa ugu culus ee la ilaaliyo uu isna yahay Wakhtiga,  waxaanu Ardayda kula taliyey inay mar walba ku dadaalan inay wakhtigooda ka faa’iidaystaan, oo Cibadada iyo ALLE ka cabsiga ku dadaalan, oo ay iska dayaan inay meelaha aan loo baahayn ku dayacaan, waxaanu sheegay inuu ILLAAHAY SWT kula xisaabtamayo qof walba wakhtigiisa, caafimadkiisa iyo shabaabnimadiisa,waxaanu soo qaatay qisooyin aad u badan oo ku saabsan Wakhtiga.