“Ardayda Qalin Jebinaysaa Wasiirada Casho Ugama Baahna, Ee Waa In Shaqo Loo Abuuraa”

0
542

Picture2Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha Arimaha gudaha iyo xidhiidhka gobolada ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Cabdiqani Ibraahim Salaf (Kaptanka), ayaa waxa uu sheegay in aanay Xukuumaddu dayacday, qorshe cadna aanay u ahayn Ardayda ka soo baxda Jaamacadaha dalka, in Wasiiradu ay si toos ah shaqada Arday ay isku hayb yihiin, halka ay inta badan Ardayada Jaamacadaha ay shaqo la’aani ku dhacdo.

Xoghayaha Arimaha Guddaha ee Xisbiga UCID, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in inta  badan Munaasibadaha loo qabto Ardayda ka qalin jabisa Jaamacadaha in aan lagu soo casuumin Xisbiyada Mucaaradka ah, haddii la soo casuumana in aan la siin wax hadal ah, isla markaana Wasiiradu ay Casuumad bilaa shaqo ah u sameeyaan Ardayda.

Qoraalkan uu soo saaray Xoghayaha Arimaha Guddaha ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa waxa uu u dhignaa sidan “Waxaan halkan ugu hurayn uga faa’idaysanaya qoraalkaygan inaan halkan. Hambalyo aan lasoo koobi karin udiro. Dhamaan ardaydii ka qalin jabisay Jamaacadaha Dalka oo dhan. Waxaan leeyahay waxaad leedihiin Mustaqbal dheer ee wadankiina aamina ha tahriibina. Waxaan haysana waddan Hodana. Dawladii idiinka faa’idayn lahayd ayaan maanta jirin. Isha allahu way iman”.

Xoghayaha Arimaha Guddaha ee Xisbiga UCID oo qoraalkiis sii wata ayaa yidhi “Ardaydan ka qalinjabisay Jaamacadaha Dalka. oo runtii ah wax lagu diirsado waa ubaxii wadankeena iyo raasamaalkeenii. Lakiin Xumuumada Maanta talada haysaa way ka naxaan kooxdii soo qalinjabisa. Sababtuna waxay tahay wax qorshe ah oo ay u Sameeyeen Ma jirto Sida darteed waxay Xukuumadu ku Baraarugtaa marka ardayda qalinjabinaysa loo keeno warkooda. Jawaabta Xukuumaduna waxay noqotaa

1-In wasiiradda Waxbarashadu marwo Zamzam shuruud

uga dhigto Jaamacada laga qalinjabinayo inaanay soo casuumin Xisbiyada mucaaridka haday casuumana aanay hadalka siinin waa hadii ay doonayaan inuu Madaxweynaha iyo Wasiiradiisu yimaadan xaflada.

2-In ardayda qalinjabinaysa hortooda aan lagu soo qaadin shaqaalayn iyo wax la mida

3-In madasha qalinjabinta laga amaano xukuumada isla markana laga hor aqriyo waxqabadka Xumuumada iyadoo lagu tiraabayo halku dhaga caanka ah ee Xukumadan oo ah (waa markii ugu horaysay).

 Xukuumada waxaan usheegaynaa ardaydan ka qalinjabinaysa Jaamacadaha inaanay wasiirada Xukuumada oo ay u horeeyaan Samaale maaliyada iyo Xirsi X. Cali madaxtooyada uga baahnayn casho hal habeen lagu sasabo dibna aan loogu soo noqon. Inaanay sidoo kale ardaydu u baahnayn in inta lala shiro gudiyo loo sameeyo kadibna inta haybtooda la kala saaro intay wasiirada isku qabiilka yihiin shaqo loo balan qaado inta kalana dhagaha laga furaysto si ay waddanka uga tahriibaan.

Xoghayaha Arrimaha Guddaha oo qoraalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Ardayda muwaadiniinta ah ee dalkooda wax u bartay waa in dowladu siyaasad cad oo ay shaqo ugu abuurayso ka fikirta intaanay gaadhin waqtiga ay qalin jabinayaan. Xukuumadu lacagaha ay lunsadaan Wasiiradu ee qayrul caadiga ah shaqo abuur waa loogu samayn karaa tusaale ahaan waxaa ay samaysay xukuumadani haayado aan wax ay qabtaan la arag oo lacag badan lagu lunsado sida haayada abaabul kasaarka qaranka. Sanadkii waxa miisaaniyada loogu daraa haayadaas abaabul kasaarka 10 Milyan oo Dollar. Lacagta intaas leeg sida u dhantahay waa la lunsada oo waa lawada ogyahay. waxii shaqo dalka kasoo baxana hab  qabiil ayay wasiiradu ku qaybsadaan. Tusaale ahaan Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Samaale waxa uu dhawaan shaqadii ay Wasaarada Maaliyada u hayeen ka fadhiisiyey labaatan gaar ahaan gobalada Salal iyo Awdal kadibna waxa uu ku badalay labaatan shaqaale cusub oo ay isku beelyihiin waana mid ka mida sababihi ay ka cabanayeen reer Awdal ee Madaxweynaha loo soo gudbiyey.Haddaba hadaan loo kala abtirin way deeqaysaa.

Ugu danbayntii waxaan ugu baaqayaa Xukuumada inay wax ka badasho siyaasadeeda ku aadan ardaydan Maalin walba qalin jabinaysa ee ay dhagaha ka furaysteen. maskax caafimaad qabtana lagu eego ubadkeena. Ardayda qalin jabinaysana waxaan leeyahay (you have a bright future ahead) Mustaqbal fican ayaad leedihiin wax walbana wadankiina ayaa idiinka muhiimsan marka waa inaan marnaba in wadanka laga tago aanay xalka kaliya ahayn”.