Shirkadaha Waweyn Ee Sonkorta Oo La Ogaaday In Ay Hor Istaageen Faafinta Cilmibaadhiso Fashilinayey Xidhiidhka Ka Dheeeya Sonkorta Iyo Wadne Xanuunka

29
2817

Washington (Geeska)- Cilmibaadhayaal caalamiya ayaa sheegay in shirkadaha sonkorta sameeya ee Maraykanku ay 50 sano ka hor diideen in la faafiyo faafinta natiijooyinka cilmibaadhiso caddaynayey in uu xidhiidh ka dhexeeyo sonkorta iyo xanuunnada wadnaha ku dhaca.

Cilmibaadhayaashan ayaa shirkadaha ka ganacsada sonkorta ku eedeeyey in ay adeegsadeen xeelado la mid ah kuwa ay isticmaalaan shirkadaha buuriga oo ah in la cabudhiyo cilmi kasta oo lagu ogaanayo in wax-soo-saarkoodu aanu caafimaadka u fiicnayn.

Dhukumantiyo sir laga dhigay oo dhowaan la helay ayaa fashiliyey in hay’adda sonkorta ee Maraykanka oo ay maalgeliyaan shirkadaha sonkorta soo saaraa ay 50 sano ka hor caawisay cilmibaadhis ay jaamacadda Birmingham ku eegaysay dhibaatooyinka caafimaad ee ka iman kara isticmaalka sonkorta. Laakiin ay ka soo baxday natiijo aan ka farxin shirkadaha sonkorta, oo sheegaysay in uu xidhiidh ka dhexeeyo cudurrada wadnaha ku dhaca iyo isticmaalka sonkorta. Taas oo sababtay in shirkaddu hor istaagto faafinta natiijadaas. Hay’adda maalgelinaysay daraasaddan ayaa iyaduna markii ay aragtay natiijadan ka cadhaysiiyey shirkadaha sonkorta waxa ay dhaqso u joojisay kharashkii ay ku caawin jirtay cilmibaadhista, iyada oo ku andacoonaysa in aanay natiijadani ahayn mid macne buuran ku fadhida.

Cilmibaadhiso badan ayaa sidan oo kale u iftiimiyey in uu xidhiidh ka dhexeeyo wadne xanuunka iyo sonkorta, laakiin shirkadaha sonkortu ay xakameeyeen faafinta natiijada daraasadahan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here