Laba Qoys Muslimimiin Ah Ayaa Boqollaal Sano Gacanta Ku Hayey Fureyaasha Iyo Maamulka Albaabada Kaniisadda Ugu Xurmada Badan Kiristaanka

33
3631

Qudus (Geeska)- Adiib Jawdah oo ah Falastiini Muslim ah ayaa habeen kasta ka taga mid ka mid ah goobaha ugu barakada badan Masiixiyiinta dunida oo dhan isaga oo sii dhex maraya luuqyada dhagaxleyda ah ee ku yaalla qaybta taariikhiga ah ee magaalada Qudus. Adiib waxa uu hayaa fureyaasha qaddiimiga ah ee kaniisadda lagu magacaabo Kaniisadda Qiyaamaha oo ay masiixiyiin badani aaminsan yihiin in ay ka dhisantahay halkii qaabka saliibka ah loogu xidhxidhay laguna aasay Nebi Ciise (CS). Waxaa xusid mudan in Kiristaanku ay aaminsan yihiin in Nebi Ciise la dilay, taas oo ka hor imanaysa xaqiiqada Islaamku caddeeyey ee ah in aan Nebi Ciise la dilin, balse uu Alle (SWT) uu kor yeelay.

Adiib Jawdah oo 53 sano jir ah ayaa sheegay in muddo qarniyo ah fureyaasha kaniisaddan ay awoow ka awoow iska dhaxlayeen qoyskiisa oo ka mid ah qoysaska taariikhiga ah ee isir ahaan ugu abtirsada magaaladan barakaysan. “Sharaf iyo aaminaad ayaa ay noo tahay in annaga oo muslim ah lanagu aamino fureyaasha kaniisadda ‘Al-qiyaama’ oo ka mid ah kaniisadaha ugu muhiimsan masiixiyadda.

Qoys kale oo muslim ah ayaa isaguna ka masuul ah furista iyo xidhista albaabada kaniisadda ‘Alqiyaama’. Qoyskan ayaa isaguna awoow ka awoow iska soo dhaxlayey shaqadan maamulidda albaabada kaniisaddan oo ay illaa maanta iyagu ka masuul yihiin.

Sida ay taariikhyahannada qaar sheegayaan hoggaamiyihii halyeeyga ahaa ee muslimiinta Salaaxuddiin Alayuubi oo isagu sanadkii 1187 ee miilaadiga jihaad magaalada Qudus kaga xoreeyey Masiixiyiinta ayaa fureyaasha kaniisadda qoyskan ku wareejiyey, isla markaana qoyska kale ee muslimka ah isagana uga masuul dhigay xidhista iyo furista albaabada kaniisaddan. Waxa ay taariikhyahannadu sheegeen in sababta uu sidaas Salaaxuddiin Alayuubi u sameeyey ay ahayd in uu caddeeyo in muslimiintu ay magaaladan maamulkeeda leeyihiin, maadaama oo xitaa kaniisadda ay iyadu albaabadeeda maamulayaan.

Dhinaca kalana Adiib Jawdah ayaa soo bandhigay tobannaan wareegto oo ay salaadiintii iyo hoggaamiyeyaashii dawladda Cusmaaniyiintu soo saareen oo dhammaantood ay ku caddaynayaan in maamulka fureyaasha kaniisaddan uu qoyskani gacantak u haynayo.

Adiib Jawdah waxa uu soo bandhigay furaha sawirka qoraalkan la socda ka muuqda oo uu sheegay in uu cimrigiisu yahay 8 boqol oo sano, isaga oo sheegay in fure labaad oo kan la mid ah, oo muddo qarniyo ah la isticmaalayeyna uu jabay.

Adiib Jawdah waa uu sheegay in fureyaashan uu aabe kastaa wiilkiisa dhaxal ahaan ugu dhiibo, isaguna uu muddo 30 sano ah gacanta ku hayey.

Kaniisaddan waxaa maamulkeeda dusha kala socda mad-habaha kala duwan ee diinta masiixiyadda oo dhammaantood sheeganaya in ay kaniisadda gaarkooda xuquuq ugu leeyihiin. Kaniisadaha Ortodhogoska, Katoliga Armanka iyo Kaatoligga Room ayaa hadda wadaaga kor kala socoshada maamulka kaniisadda.

Eyskaa Haraani oo ah cilmibaadhe diinta kiristanka daraasaysa ayaa iyadu ku doodday in sababta fureyaasha iyo albaabada kaniisaddan loogu aaminay labada qoys ee muslimka ahi ay tahay in la ilaaliyo nabadgelyada mad-habaka masiixiyadda dhexdooda iyo in ay si siman u wadaagi karaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here