Shirkada Africa Online Oo Beenisay War Laga Baahiyay

0
533

Hargeysa(Geeska)- Maareeyaha Shirkada Africa Online Faysal Maxamuud Maxamed, ayaa beeniyay war laga baahiyay maamulaha shirkada ee magaalada Burco oo lagu sheegay inuu yahay gudoomiyaha shirkada,warkaas oo sheegayay in taliye Al-shabaab ay uga dhigtay Baraawe.

Maareeyaha ayaa sidaas ku sheegay war saxaafadeed uu soo saaray isaga oo xusay inay sharciga la tiigsan doonaan shabakada warkaas baahisay,isla markaasna ku tilmaamay war been abuur ah, waxaanu xusay in ninkaas maamulaha ka ah qabta Burco ee shirkadu inuu hada joogo Hargeysa. War saxaafadeedkaas oo dhamays tiran waxa uu u dhignaa sidan“Aniga oo ah maareeyaha shirkada Africa Online,isla markaasna tixraacaya warka uu qoray Website-ka Baligubadle media oo ah in madaxa shirkada Africa Online Siciid Axmed Jaar loo mgacaabay taliyaha Al-shabaab ee Baraawe,xilkiina la wareegay.

Hadaba waxaan halkan ku cadaynayaa in gudoomiyaha shirkada Africa Online uu ku maqan yahay Dubai una yahay Sheekh Xasan Cabdisalaan Sheekh Cali,in Siciid Axmed Jaar uu yahay muumulaha Burco ee shirkada uuna ku sugan yahay magaalada Hargeysa meel uu tageyna aanay jirin.

Si kastaba ha ahaatee waxa jira in mareegaha qaar ay caadaystaan beenabuur ay dadka,ganacsiga iyo shirkadahan.waa war aan sal iyo raadtoona lahayn,kaas oo ka baxsan anshaxa akhlaaqda iyo milgaha saxaafada,arintaas been abuurka ah maxkamadna way la tiigsanaysaa.”