UWKAT: Urur Isku Xilsaaray Wacyi-gelinta Dhalinyarada Iyo ka Hortagga Tahriibka

0
730

Picture3Hargeysa (Geeska) – Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa laga aasaasay urur ay ku midaysan yihiin dhalinyaro badan, kuwaasi oo isku xilsaaray inay ka qayb-qaataan amaanka, Wacyi-galinta dhalinyarada Somaliland ee aafada Tahriibka iyo falalka dhaqan xumada ah.

Ururkan dhalinyaro oo xaruntiisu tahay Magaalada Hargeysa, balse isku xilsaaray inuu hawlihiisa wacyigalineed ee amaanka, dhaqan xumadda iyo Tahriibka ah ka fuliyo guud ahaan Somaliland, ayaa dhalinyarada aasaastay waxay isku waajibiyeen inay doorkooda ka qaataan sidii loo suulin lahaa falalka amaan daro ee wakhtiyada habeenkii ay Magaalooyinka dalka, siiba Caasimadda Hargeysa ay ka sameeyaan dhalinyaradu, maadaama oo dhalinyaradu ay cid kasta uga fara dhuudhuuban yihiin dhalinyarada falalka amaan daro ku kaca.

Ururkan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dhalinyaro ay dhalinyarada kale ka waaninayso aafada Tahriibka isla-markaana si la taaban karo uga hor tagaya falalka dhaqan xumada ah, sida kufsiga oo wakhtiyadan dambe aad ugu soo batay dalka, ayaa waxa qorshayaasha shaqo ka mid ah inay dhalinyarada si koox koox ah iyo si qof qof ahba ay dhalinyarada ugu booqdaan goobaha ay ku kulmaan sida garoomada kubadda, meheradaha iyo goob kasta oo dhalinyarada lagaga wacyigalin karo waxyaabaha ururkani u abuuran yahay.

Ururkan ay dhalinyaradu ku midoobeen, ayaa waxa hiigsigiisa ka mid ah in dhalinyaradu dalkooda aaminaan oo ay niyada ka saaraan aafada Tahriibka isla-markaana ay doorkooda ka qaataan amaanka dalkooda hooyo, fahmaana muhiimada ay leedahay in dalka laga suuliyo dhaqan xumada iyo wixii ceeb ku ah Diinta Alle iyo dhaqanka suuban ee shacabka reer Somaliland caanka ku yihiin.