Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Si Rasmi Ah Looga Mabnuucay Isticmaalka Internet-ka

0
503

picture 4Hargeysa (Geeska) – Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa gabi ahaanba laga Mabnuucay inay wakhtiga shaqada isticmaalaan Internet-ka, waxaana qof kasta oo ka mid ah hawl-wadeenada Wasaaradda la siiyey digniin adag.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Saleebaan Jaamac Diiriye, ayaa  qoraal Ogeysiis iyo Digniin ah oo uu ku dhajiyey dibadda xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda shaqaalaha ku wargaliyey in aanay wakhtiga shaqada isticmaali Karin Internet-ka.

Agaasimaha guud, ayaa qoraalkiisa ku sheegay in maadaama oo Wasaaradda Maaliyaddu tahay hal-bowlaha Wasaaradaha qaranka Somaliland uu internet-ku carqalad ku noqonayo habsami u socodka hawl-maalmeedka Wasaaradda, sidaa daraadeedna qofkii lagu arko isaga oo isticmaalaya laga qaadi doono talaabo.

Qoraalka agaasimaha guud ayaa u dhignaa sidan “Sida aad la socotaan waxaynu nahay halbowlaha Wasaaradaha dalka, waxa loo baahan yahay in wakhtiga shaqada aan la isticmaalin Internet-ka, iyadoo uu carqalad ku keenayo habsami u socodka shaqada, sidaa daraadeed waxa la idin farayaa inaan la idinku arki Karin shakhsi isticmaalaya Internet-ka wakhtiga shaqadu socoto, qofkii lagu arkana talaabo laga qaadi doono”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa qoraalka uu shaqaalaha kaga joojiyey isticmaalka Internet-ka ogeysiin siiyay wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo guud ahaan agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaasi.

Arintan ayaa la filayaa inay keentay isticmaalka mareegta xidhiidhka bulshada ee Facebook oo inta badan shaqaalaha Wasaaraddaha qaranka Somaliland ay aad u isticmaalaan wakhtiyada ay xafiisyada ku sugan yihiin.